Saturday, April 27, 2024
spot_imgspot_img

Shil Gaari oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac oo Ka Dhacay Magaalad Muqdisho.

Arbaco-27-March-2024 {HMC} Ugu yaraan 10 qof oo la socotay hal gaari ayaa ku dhex geeriyootay Muqdisho, kadib markii uu ka soo dul dhacay gaari siday Kunteenar raashin ka buuxo.

Shilkaan ayaa ka dhacay isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho, waxaana geeriyooday dhamaan dadkii saaraa gaariga hoos-maray.

Dadka geeriyooday waxay la socdeen gaari Home ah ama Caasi, waxaana ka soo dul dhacay gaari xamuul ah oo siday Kunteenar raashin ah.

Dadkii waa laga kici waayey gaariga ka soo dul dhacay, waxaana halkaas ku geeriyooday dhamaan dadkii saaraa gaariga Caasiga ah.

Weli waxaa socda gurmadka loo fidinayo dadka ku hoos jira gaariga xamuulka ah ee rogmaday, waxaana gaariga xamuulka ah laga dejinayaa raashinkii saaraa.

Dad goobjoogayaal ah oo sida uu shilkaani u dhacay uga Ka waramay  ayaa sheegay in gaariga Caasiga ah uu taagnaa goob ay dadku ka raacayeen, halka gaariga kale ee xamuulka siday uu socda.

Mar qura ayuu ciiray gaariga xamuulka ah, wuxuuna ka dul dhacay gaariga caasiga ah, waxaana laamiga ku dhegay gaarigii iyo dadkii saaraa, taas oo argagax ku noqotay dadkii goobta joogay.

Shilkaan ayaa dhacay intii loo kala cararayey afurka, wax yar ka hor salaadii maqrib, gaadiid wiish ah oo la dalbay ayaa goor dambe goobta tegay, waxaana la rumeysan yahay in dadka ku hoos jira gaariga ay wada geeriyoodeen.

{DAAWO MUQAALKA} Gogosha nabadeed ee aan wadno yaan la legdin, Cidii dagaal rabta Cali Jeyte ayaa jooga”Sanbaloolshe

Sabti -27-April-2024 {HMC} Gogosha nabadeed ee aan wadno yaan la legdin, Cidii dagaal rabta Cali Jeyte ayaa jooga''Sanbaloolshe HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/V19o2Jo6Zlw

{DAAWO MUQAALKA} Maanta kadib Soomaalidu qaxooti kuma ahan midkii ay tagaan urur goboleedka EAC,” C?salaan Hadliye”

Sabti -27-April-2024 {HMC} Maanta kadib Soomaalidu qaxooti kuma ahan midkii ay tagaan urur goboleedka EAC,” C?salaan Hadliye'' HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/KZLwiiso0_A

WARARKA