Saturday, April 27, 2024
spot_imgspot_img

Xamsa Cabdi Barre oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Alper Aktaş oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo Iskaashi ee ka dhaxeeya labada dalka.

Ra’iisul Wasaaraha oo Danjiraha cusub ugu hambalyeeyey masuuliyadda loo igmaday, ayaa sheegay in Turkigu uu yahay walaal dhab ah oo ay leedahay Soomaaliya, kaas oo xilliyo adag soo garab taagnaa dadka iyo dowladda Soomaaliyeed, kana taageera dhinacyo badan oo kaabaya horumarinta dowlad-dhiska Soomaaliya.

Dhankiisa, Danjire Alper Aktaş ayaa tilmaamay in uu sii xoojin doono xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada dalka, isaga oo uga mahadceliyey Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed soo dhaweyntooda.

Dowladda Turkiga ayaa noqotay dowladdii ugu horreysa ee garab istaag loo riyaaqay u muujisay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, waxa ayna Turkiga gar gaar u fidiyeen dadka Soomaaliyeed, iyagoona mashaariic horumarineed ka fuliyay dalka.

{DAAWO MUQAALKA} Maanta kadib Soomaalidu qaxooti kuma ahan midkii ay tagaan urur goboleedka EAC,” C?salaan Hadliye”

Sabti -27-April-2024 {HMC} Maanta kadib Soomaalidu qaxooti kuma ahan midkii ay tagaan urur goboleedka EAC,” C?salaan Hadliye'' HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/KZLwiiso0_A

{DAAWO MUQAALKA} Kooxda AS oo sheegtay iney Muqdisho ku dishay Xildhibaan hore.

Sabti -27-April-2024 {HMC}  Kooxda AS oo sheegtay iney Muqdisho ku dishay Xildhibaan hore. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/_pipojgUlHU

WARARKA