Saturday, April 27, 2024
spot_imgspot_img

Shir Looga Hadlayo Amaanka oo Baladweyne Lagu qabtay.

Thursday -28-March-2024 {HMC} Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye ayaa shir guddoomiyay shirka amniga gobolka Hiiraan kaasi oo Manta Lagu qabtay Magaalada Baladweyne. Shirkan waxaa ka qeeyb galay Taliyaasha Ciidamada Booliska, Nabad-sugida iyo kuwa Xooga Dalka Soomaaliya.

Taliyaha Guutada 5aad ee Ciidamada Xooga Dalka Korneel Maxamuud Xasan Ibraahin {Baakay} Taliyaha qeeybta Ciidamada Booliska Gobolka Hiiraan Korneel Isaaq Cali Cabdi, Taliyaha Ciidamada Nabad-sugida Magaalada Baladweyne Dhame Aweeys Maxamed Cali iyo Taliyaha Saldhiga Booliska Baladweyne Dhame Cabdullaahi Maxamed ayaa Shirka Goob jog ka ahaa iyo Masuuliyiin kale.

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye Ayaa ugu baaqay Saraakiisha Ciidamada ay ay kordhiyaan Amaanka Magaalada Baladweyne, waxaana uu sheegay in dhawaan la bilaabi doono howlgal ka dhan Ah kooxda As.

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 27-04-2024

KhAMIIS April 27, 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn. Warka waxaa soo jeedinayo ::Yaasiiin Cali...

{DAAWO MUQAALKA} Gogosha nabadeed ee aan wadno yaan la legdin, Cidii dagaal rabta Cali Jeyte ayaa jooga”Sanbaloolshe

Sabti -27-April-2024 {HMC} Gogosha nabadeed ee aan wadno yaan la legdin, Cidii dagaal rabta Cali Jeyte ayaa jooga''Sanbaloolshe HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/V19o2Jo6Zlw

WARARKA