Thursday, May 9, 2024
spot_imgspot_img

Haweeney caan ka aheyd baraha bulshada oo la dilay iyo khubaro loo saaray kiiska baarista dilka

Sabti -27-April-2024 {HMC}  Haweeney caan ka aheyd baraha bulshada gaar ahaan barta Tiktok oo u dhalatay dalka Ciraaq, ayaa xalay lagu hor toogtay gurigeeda oo kuyaalla magaalada Bagdaad ee caasimadda dalkaasi.

Ghufran Sawadi oo caan ku aheyd magaca Om Fahad ayaa la dilay xalay xilli ay ku jirtay gaarigeeda oo yaallay bannaanka gurigeeda, waxaana la sheegay haweeneydan in rasaas ku furay nin hubeysan oo goobta deg deg uga baxsaday.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha dalka Ciraaq ayaa cambaareesay falkan lagu dilay gabadha caanka aheyd, waxa ayna wasaaradda sheegtay in guddi khubaro ah loo saaray baarista kiiska haweeneydan.

Haweeneydan la toogtay ayaa caan ka aheyn barta Tiktok ay heesatay dad badan oo ku xirnaa, waxa ayna inta badan caan ku aheyd in ay soo duubto muuqaalo qoob ka ciyaar iyo sidoo kale muusik wata.

Maxkamad kutaalla dalka Ciraaq ayaa gabadhan la toogtay sannadkii hore ee 2023-kii ku xukuntay lix bilood oo xabsi ah, kaddib markii lagu eedeeyay in barteeda ku baahisay muuqaallo wax u dhimaya anshaxa iyo dhaqanka dadka reer Ciraaq.

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {09.05.2024}

Khamiis, 9, May, 2024 {HMC}  Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn. Warka waxaa soo jeedinayo ::Mustaf Cali...

{DAAWO MUUQAALKA} Hay adda SODMA oo gargaar gaarsiisay shacabka degaanka Eji ee gobalka Hiiraan

Khamiis, 9, May, 2024 {HMC}  Hay adda SODMA oo gargaar gaarsiisay shacabka degaanka Eji ee gobalka Hiiraan HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/ywGbbH87wjY

WARARKA