Saturday, April 27, 2024
spot_imgspot_img

Golaha Wasiirada Puntland oo Yeeshay Kulan Looga Hadlay Amniga Iyo Arimo Kale.

Thursday -28-March-2024 {HMC}  Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay Amniga Guud, dhameystirka dimuqraadiyadda Puntland, xaaladda cudurada faafaha, xaaladda Deegaanka iyo Kor-u-qaadista Dalxiiska iyo illaalinta goobaha taariikhiga ah.
Golaha Wasiirada ayaa soo saaray qodobo ku saabsan dhameystirka Dimuqraadiyadda Puntland, iyadoo la tixraacay warbixinta ay soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda.
Qodobada ayaa kala ah :

1. Dhamaystirka Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka 3-da Degmo ee dhiman oo kala ah Garoowe, Dangaroyo iyo Godobjiraan.
2. Fariisinta Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Dhiman ee Jariiban, Bursaalax, Murcanyo iyo Xumbays.
3. Tababarka 33-da Degmo iyo qoondaynta kharashkii ku bixi lahaa.
4. Dib-u-eegista shuruucda Doorashooyinka sida L.7 iyo Xeerarka Doorashooyinka.
5. Dhamaystirka Guddiga Doorashooyinka Puntland ee PEC.
6. Dib-u-eegista iyo Is-waafijinta qodobada Dastuurka ee Is-khilaafsan.
Sidoo kale waxaa Golaha looga hadlay :
* Amniga Guud: Wasaaradda Amniga ayaa Golaha la wadaagtay warbixinta Amniga Guud ee Puntland iyo shaqada socota ee lagu dardargelinayo sugida Amniga.
* Xaaladda Cudurada Faafa: Wasaaradda Caafimaadka ayaa Golaha la wadaagay xaaladda cudurada faafa sida Shuban-biyoodka iyo dadaalada Dowladdu Kula tacaalayso.
* Xaaladda Deegaanka Puntland: Wasaaradda Deegaanka, ayaa Golaha la wadaagtay warbixinta xaaladda deegaanka iyo howlgalada looga hortagayo xaalufka iyo waxkasta oo khatar ku ah deegaanka.
* Dalxiiska iyo Goobaha Taariikhiga ah: Wasaaradda Warfaafinta ayaa Golaha la wadaagtay warbixin ku saabsan dalxiiska Puntland, Illaalinta Goobaha taariikhiga ah iyo qorsheyaasha dhow ee ay ku horumarinayaan arrimaha Dalxiiska Puntland.

 

{DAAWO MUQAALKA} Gogosha nabadeed ee aan wadno yaan la legdin, Cidii dagaal rabta Cali Jeyte ayaa jooga”Sanbaloolshe

Sabti -27-April-2024 {HMC} Gogosha nabadeed ee aan wadno yaan la legdin, Cidii dagaal rabta Cali Jeyte ayaa jooga''Sanbaloolshe HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/V19o2Jo6Zlw

{DAAWO MUQAALKA} Maanta kadib Soomaalidu qaxooti kuma ahan midkii ay tagaan urur goboleedka EAC,” C?salaan Hadliye”

Sabti -27-April-2024 {HMC} Maanta kadib Soomaalidu qaxooti kuma ahan midkii ay tagaan urur goboleedka EAC,” C?salaan Hadliye'' HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/KZLwiiso0_A

WARARKA