Saturday, April 27, 2024
spot_imgspot_img

Maxeey Ka Kadhaheen Ururada aan dowliga ee Marooko Xukunka Mawaadiniin U dhashay Marooko ee Puntland Xukuntay

Thursday -28-March-2024 {HMC} Ururada aan dowliga ahayn ee ka jira dalka Marooko ayaa ugu baaqay dowladooda inay soo faragaliso oo ay ka hortagto xukun dil ah oo lagu riday lix qof oo u dhashay dalka Morocco.

War qoraal ah oo ay si wadajir ah u soo saareen waxay ku sheegeen inay ka war heleen xukun ay maxkamada ciidamada qalabka sida ee Puntland ay soo saartay 2-dii bishan March, kaasoo lix qof oo u dhashay dalka Marooko ku xukuntay dil toogasho ah oo lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin kooxda Daacish.

Waxay intaas ku dareen in qaar ka mid ah eedaysanayaasha ay sheegeen inay u yimaadeen inay shaqo raadiyaan, isla markaana aanay garanayn ujeeddada ay dadkaas Daacish u qorteen.

Qareenkooda ayaa xaqiijiyay inay doonayaan inay dib ugu laabtaan Morocco, wuxuuna sheegay inay marin habaabiyeen kooxda xagjirka ah ee Daacish.

Ururada Moroccan, oo ay ku jiraan Isbahaysiga Morocco ee ka soo horjeeda ciqaabta dilka (CMCPM), Ururka Caddaaladda ee Maxkamada Caddaaladda iyo Shabakadda Qareenada ee ka soo horjeeda Ciqaabta Dilka, ayaa cambaareeyay xukunka dilka ah ee lagu soo rogay Moroccans, iyagoo sheegay inay ka soo horjeedaan xukunka ay Puntland ku ridday muwaadiniinta u dhashay Morocco.

Waxay ugu baaqeen mas’uuliyiinta Morocco inay qaadaan tillaabooyin degdeg ah oo lagu badbaadinayo nolosha muwaadiniintooda, dibna loogu celinayo dalkooda.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {27-04-2024}

Sabti -27-April-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo:Yaasiin Ali Ahmed farsamadii :Mohamed Baryare...

{DAAWO MUQAALKA} Beeraleyda qaadka Kenya oo Muqdisho yimid sheegayna arrin yaab leh oo ay rabaan

Sabti -27-April-2024 {HMC} Beeraleyda qaadka Kenya oo Muqdisho yimid sheegayna arrin yaab leh oo ay rabaan HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/kEXArUNODmw

WARARKA