Saturday, April 27, 2024
spot_imgspot_img

Xil Labada Gole oo Maanta Soo Gabagabeeyay KA Doodista Dastuurka KMG

Thursday -28-March-2024 {HMC} Xildhibaanada golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo gabagabeeyay ka doodistii wax ka bedelka Dastuurka KMG , waxaana la filayaa in Sabtida xildhibaanada u codeeyaan wax ka bedelka Dastuurka lagu sameeyay.

Cutubka 4-aad ee Dastuurka KMG oo muran xooggan ka taagnaa qodobada qaar ayaa isbadal lagu sameeyay, waxaana la kordhiyay tirada xisbiyada Qaran oo markii hore ahaa labo , balse hadda laga dhigay ilaa saddex xisbi.

Waxaa sidoo kale cutubkan lagu caddeeyay in Madaxweynaha uu ku imaan doono doorasho dadweyne, waxa uuna Madaxweynaha la doorto awood u yeelan doonaa in uu magacaabo Ra’isul Wasaraaha sidoo kale uu xilka ka qaadi karo.

Cutubka 4-aad ee Dastuurka ayaa sidoo kale lagu caddeeyay in muddada xil heynta Madaxweynaha la doorto ee Soomaaliya ay noqon doono shan sanno, halka markii hore ay aheyd afar sanno.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa si weyn ugu ololeeneysa wax ka bedelka Dastuurka KMG , waxaana arrintan iyana kasoo horjeeda qaar kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay hormuud u yihiin madaxdii hore ee dalka iyo mMadaxweynaha Puntland.

Halkan ka Akhriso Cutubka 4-aad iyo qodobada ku xusan

{DAAWO MUQAALKA} Xarunta Keydka Talaalka iyo Daawadda ee Gobolka Banaadir oo maanta la dhagax dhigay.

Sabti -27-April-2024 {HMC} Xarunta Keydka Talaalka iyo Daawadda ee Gobolka Banaadir oo maanta la dhagax dhigay. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/DSN2yGcCBwk

{DAAWO MUQAALKA} Maxaa kasoo kordhay nabadeyntii ay waden Taliye Sanbaoolshe iyo gudoomiye Shuute.?

Sabti -27-April-2024 {HMC}  Maxaa kasoo kordhay nabadeyntii ay waden Taliye Sanbaoolshe iyo gudoomiye Shuute.? HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/bshay4CoF8c

WARARKA