Saturday, April 27, 2024
spot_imgspot_img

Markab dagaal oo Ruushku leeyahay oo kusoo xidhay dekadda dal ku yaal geeska Afrika

Jimco-29-March-2024 {HMC}  Booqasho aan caadi ahayn, markab dagaal oo ay leeyihiin ciidamada badda ee Ruushka ayaa gaaray dekedda weyn ee badda cas ee Massawa ee dalka Eritrea, iyadoo ay gobolka ka taagan tahay xiisad ka dhalatay maleeshiyada Xuutiyiinta ee ay taageerto Iiraan.

 

Markii uu markabka dagaalka ee Shaposhinkov khamiistii yimid Massawa, madaxda ciidamada Eritrea iyo saraakiisha ayaa qaabilay. Sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa safiirka Ruushka ee Eritrea.

 

Sida laga soo xigtay Wasiirka Warfaafinta ee Eritrea, markabkan ayaa ka mid ah maraakiibta Ruushka ee mara badweynta Pacific-ga

 

“Wuxuu ku sugnaan doonaa dekeddaas muddo shan maalmood ah si loogu dabaaldego 30 sano oo xiriir diblomaasiyadeed oo u dhexeeya Ruushka iyo Eritrea” Wasiir Yemane Gebremeskel ayaa ku qoray boggiisa X (Twitter-kii hore).

 

Ciidamo ka tirsan kuwa badda ee Mareykanka ayaa la geeyay badda cas iyo gacanka cadmeed si ay u ilaaliyaan maraakiibta ganacsiga iyo kuwa militariga ee ku socdaalaya dariiqa ganacsi ee muhiimka u ah weerarada Xuutiyiinta.

 

Eritereeya ayaa indhaheeda ku arkaysay joogitaanka ciidamada reer galbeedka ee gobolka si xamaasad leh. Dalka ku yaalla Geeska Afrika ayaa dhawaan xiriir dhow la yeeshay Moscow.

 

Xuuthiyiinta oo maamula waqooyiga Yemen ayaa weeraro ku qaada maraakiibta mara badda cas, iyagoo ka jawaabaya dagaalka Qasa. Dagaalyahanadu waa qayb ka mid ah ‘ dhidibka iska caabinta’ ee ka dhanka ah Israa’iil.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {27-04-2024}

Sabti -27-April-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo:Yaasiin Ali Ahmed farsamadii :Mohamed Baryare...

{DAAWO MUQAALKA} Beeraleyda qaadka Kenya oo Muqdisho yimid sheegayna arrin yaab leh oo ay rabaan

Sabti -27-April-2024 {HMC} Beeraleyda qaadka Kenya oo Muqdisho yimid sheegayna arrin yaab leh oo ay rabaan HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/kEXArUNODmw

WARARKA