Saturday, April 27, 2024
spot_imgspot_img

Muxuu cayaaraha uga fariistay goolhayihii xulka qaranka Soomaaliya?

Jimco-29-March-2024 {HMC}  Mustaf Maxamed oo loo yaqaan Nakuja ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku shaaciyay inuu isaga fariistay xulka qaranka Soomaaliya Talaadadii, go’aankaas oo dad badan ku noqday mid lama filaan ah.

 

Mustaf Nakuja waxa uu xulka qaranka goolhaye u soo ahaa in ka badan toban sano, isaga oo sanadkii 2013-kii ku soo biiray, waxa uu waayihii dambe soo noqday goolhayaha koowaad ee xulka qaranka.

 

Waxa uu ku dhawaaqay arrintaas ka dib markii ay xulka qaranka ee Ocean Stars barbardhac 2-2 ah la gashay eSwatini lugtii labaad ee isreeb reebka AFCON 2025 oo lagu ciyaaray garoonka Mbombela ee dalka Koonfur Afrika.

 

Qoraal kooban oo uu kusoo qoray bartiisa Facebook ayuu ku yiri, “Waxaan ciyaarayay kubadda cagta muddo dheer, waxaanan cadeynayaa in ka soo muuqashadeydii xulka qaranka ay dhamaatay.”

 

Mustaf Nakuja oo sidoo kale ka dheela heerka labaad ee Sweden gaar ahaanna kooxda IFK Berga ayaa ka warramay waxa ku qasbay ka fariisashadiisa deg degga ah ee xulka qaranka.

 

“Xulka qaranka waxa aan u soo ciyaarayay muddo dheer, go’aankan waa macquul in uu bulshada Soomaaliyeed kedis ku noqday laakiin xaggeyga ma ahan mid deg deg aan ku qaatay oo waa mid aan muddo ka soo shaqeynayay, waana ku faraxsanahay in ciyaarteydii ugu dambeysay ay ku soo dhammaatay bar-barro wallow aan guulsha ka sii jeclaa,” ayuu  sheegay .

 

Hase yeeshee Mustaf ayaa la arkayay iyadoo lagu dhaleeceynayo kubbad uu si qalad ah ugu gacan geliyay ciyaaryahan ka tirsan xulka eSwatini taas oo gool loogu beddelay.

 

Inkastoo Soomaaliya ay ciyaarta ka soo kabsatay kuna dhamaatay barbarro 2-2 ah ka dib markii ay laba gool oo soo daahay dhalisay, haddana waxaa jiray dareen guud oo ay qabeen taageerayaasha kubbadda cagta Soomaaliya oo sheegay in qaladkii uu Mustaf sameeyay ay guusha ku raacday kooxda.

 

Mustaf oo arrintaasi ka hadlay ayaa yiri, “Majirto caqabad iyo dhaleeceyn ama niyad jab igu qasbay in aan ciyaaraha qaranka isaga fariisto, waxa aan jecleystay in aan u gudbo qaybaha kale ee nolosheyda sida, waxbarasho iyo guur, sidoo kale waxa aan jecleystay in aan fursad siiyo ciyaartoyda kale ee ila midka ah, waan jeclahay xulkeyga qaranka taageero ayaan u ahay waana u ahaan doonaa.

 

Waxa uu ka hadlay kaliya in joojintiisa ay ku egtahay si guud ciyaaraha kubadda cagta iyo in kaliya uu joojiyay u safashada qaranka.

 

“Waxa aan hadda ka ciyaarayaa koox ka dhisan dalka Sweden, waxa aan kula jiraa heshiis hal sano ah, waxa aan isku dayi doonaa in aan burburiyo heshiiskaas haddii ay macquul ii noqoto, anigu kaliya kama fariisan kulamada qaranka ee waxa aan doonayaa in aan soo gabo gabeeyo waayahayga kubadda cagta”, ayuu yiri Mustaf Nakuja.

 

Mustaf ayaa u soo guuray Sweden 2020-kii kadib markii uu Nybro IF kaga soo biiray kooxda Heegan horyaalka dalka ee Somali Premier League. Hal sano ayuu ku qaatay Nybro IF ka hor inta uusan u wareegin Osakrshamns AIK 2021-kii. Kadib wuxuu ka tagay Osakrshamns AIK 2023 si uu ugu biiro naadigiisa hadda, IFK Berg

 

Mustaf ka hor inta uusan u ciyaarin Heegan waxa uu xirfadiisa ciyaareed ka soo bilaabay kooxda Midnimo,kadib waxa uu u wareegay Jeenyo oo uu saddex xilli ciyaareed ku qaatay ka hor inta uusan u wareegin Heegan.

 

Waxa uu taageerayaasha iyo bahda xiiseysa kubadda cagta ugu baaqay in ay ahmiyad siiyaan, kana soo muuqdaan ciyaaraha, haddii ay ahaan lahayd heer qaran ama horyaalka dalka.

 

“Dhawaan waxaa dalka ka dhacay ciyaarihii maamul goboleedyada, waxa ay lahaayeen xiiso iyo xamaasad, waxaana u yeelay taageerayaasha, sidaas oo kale waxaan ugu baaqi lahaa in ay taageero weyn u muujiyaan xulka qaranka iyo ciyaaraha kale ee kulamada horyaalka”, ayuu sii raaciyay.

 

“Waxaan u mahadcelinayaa xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta iyo dhammaan xubnihii aan la soo shaqeeyay sanadihii aan kooxda ka tirsanaa,” ayuu Mustaf ku soo gunaanaday hadalkiisa.

 

Dhinaca kale waxa uu baaq u diray dowladda iyo xiriirka kubadda cagta isaga oo ugu baaqay in ay tayeeyaan ciyaaraha iyo ciyaartoyda iyo sidoo kale isboortiga Soomaaliyeed.

{DAAWO MUQAALKA} Gogosha nabadeed ee aan wadno yaan la legdin, Cidii dagaal rabta Cali Jeyte ayaa jooga”Sanbaloolshe

Sabti -27-April-2024 {HMC} Gogosha nabadeed ee aan wadno yaan la legdin, Cidii dagaal rabta Cali Jeyte ayaa jooga''Sanbaloolshe HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/V19o2Jo6Zlw

{DAAWO MUQAALKA} Maanta kadib Soomaalidu qaxooti kuma ahan midkii ay tagaan urur goboleedka EAC,” C?salaan Hadliye”

Sabti -27-April-2024 {HMC} Maanta kadib Soomaalidu qaxooti kuma ahan midkii ay tagaan urur goboleedka EAC,” C?salaan Hadliye'' HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/KZLwiiso0_A

WARARKA