Saturday, May 11, 2024
spot_imgspot_img

Mareykanka oo war culus kasoo saaray musuq-maasuqa ka dhax jira ciidanka Danab.

Axad-28-April-2024 {HMC} Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay dib u qiimeyn doonto xiriirka iyo iskaashiga kala dhaxeeya ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya ee Danab, kuwaas oo ay tababarto kadib fadeexad musuq-maasuq oo kusoo baxday.

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa dhowaan shaaca ka qaaday in la leexsaday qaar ka mid ah raashinkii ciidanka Danab.

Wasaaradda ayaa shaacisay in la xiray saraakiil sare oo lagu tuhunsan yahay kiiskan. Waxay kale oo ay sheegtay inay arrintan ku war-gelisay Mareykanka, islamarkaana inta baaritaanka uu socdo ay la wareegi doonto bixinta raashinka ciidanka.

Sarkaal Mareykan ah ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in Washington ay dhammaan eedaha musuq-maasuqa u qaadaneyso si dhab ah.

“Waxaan rajeyneynaa inaan kala shaqeyno Danab abuurista ilaalinta lagama maarmaanka ah iyo tallaabooyinka isla xisaabtanka si looga hortago dhacdooyinka mustaqbalka ee saameyn kara kaalmadeena,” ayuu yiri sarkaalka.

Ilo-wareedyo kala duwan ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay qorsheyneyso inay joojiso taageerada ay siiso ciidamada Danab marka la gaaro bisha June ee sanadka 2024-ka.

Bayaanka kasoo baxay ayey Wasaaradda Difaaca Soomaaliya ku sheegtay inay sameysay baaritaan dhaliyey in shaqada laga joojiyo oo la xiro dhowr sarkaal oo ka tirsan Danab.

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Baaritaanadaan ayaa Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxa ay sheegeen in qayb ka mid ah raashinka Danab la leexsaday. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhacdaadaan ka falcelisay, waxa ayna isla markiiba billowday baaritaan taas oo keentay in shaqada laga joojiyo saraakiil ka tirsan Ciidanka si loo xaqiijiyo isla xisaabtanka iyo hufnaanta saadka ciidanka.”

Dowladda Soomaaliya ma aysan shaacin goorta ay dhacday leexsashada iyo nooca raashinka la leexsaday, balse waxay sheegtay inay “dhacdadan ku wargelisay dhinacyada ay khusayso, waxayna la wadaagi doontaa natiijada baaritaannadaas marka ay soo idlaadaan.”

Si kastaba, bayaanka ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya “ay qaadi doonto mas’uuliyadda bixinta raashinka Danab”.

“Wadahadalladii u dambeeyay ee labada dhinac ayaa DFS oo la tashi dhow la gashay dowladda Mareykanka waxa ay qaadi doontaa mas’uuliyadda bixinta raashinka Danab, waxaana ay hadda si dhow ula shaqeyneysaa Dowladda Mareykanka si ay ula wareegto mas’uuliyadda taakuleynta Ciidanka Danab ee CXD. DFS ayaa xoogga saarayso la wareegidda amniga iyo taakulaynta Ciidankeeda,” ayaa lagu yiri bayaanka.

{DAAWO MUUQAALKA} Ciidamada Dowlada oo Gacanta ku dhigay Sargaal AS Ah.

Sabti, 11 May, 2024 {HMC} Ciidamada Dowlada oo Gacanta ku dhigay Sargaal AS Ah. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/H5tgLDcWIjU

{DAAWO MUUQAALKA} Hooyo Nadaafada ka shaqeeyneysay ayuu dilay , asigane waala qabtay.

Sabti, 11 May, 2024 {HMC} Hooyo Nadaafada ka shaqeeyneysay ayuu dilay , asigane waala qabtay. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/DbxKHlmHCdM

WARARKA