Talaado 11 March 2025 {HMC} Rag hubeysan oo wali ka dhax dagaalamaya dhismaha uu ka dhacay Qaraxa Baladweyne.
{DAAWO MUQAALKA} Soomaaliya oo loogu deeqay Malaayiin Dollar.
Talaado 11 March 2025 {HMC} Soomaaliya oo loogu deeqay Malaayiin Dollar.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} FAAH FAAHIN:.Qarax Ismiidaamin ah oo Baladweyne ka dhacay
Talaado 11 March 2025 {HMC} FAAH FAAHIN:.Qarax Ismiidaamin ah oo Baladweyne ka dhacay
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Faah-faahinta:qarax saaka ka dhacay magaalada baladwayne.
Talaado 11, March 2025 {HMC} Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax saaka ka dhacay magaalada baladwayne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Qaraxa oo ahaa mid laga soo buuxiyay gawaari ayaa aroornimadii hore ee saaka ka dhacay xaafada Howlwadaag oo ka tirsan xaafadaha Magaalada.
Goobta uu qarax uu dhacay ayaa lagu macabaa dabaqa qaahira kaasi ay ku suganaayeen odayaasha dhaqanka iyo qaar kamid ah maamulka degmada baladwayne.
Qarax kadib waxaa xigay is rasaasayn dhax-martay xubnihii weerarka soo qaaday kuwaasi oo gudaha ugalay dabaqaba qaahira oo ah halka uu ka dhacay qaraxa.
Si rasmi ah looma oga qasaaraha ka dhashay qaraxaasi balse wararka ayaa sheegaya in uu jiro qasaaro badan.
Xaalda magaalada ayaa maalmihii lasoo dhafay aad uwanaagsaneed iyadoo Amniha guud ee magalada lagu wareejiyay Ciidamo ka tirsan milliriga soomaaliya iyo kuwa Nabadsugidda.
Imaaraadka Carabta oo war ka soo saaray Safarkii Madaxwayne Xasan Sheekh.
Talaado 11, March 2025 {HMC} Madaxweynaha Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed bin Zayed Al Nahyan ayaa shalay ku soo dhaweeyay Abu Dhabi Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo booqasho shaqo ku jooga Imaaraadka Carabta.
Kulan ay yeesheen labada hogaamiye ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweyne ku-xigeenka, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, ahna Guddoomiyaha Maxkamadda Madaxtooyada, H.H. Sheikh Mansour bin Zayed Al Nahyan, iyo Dhaxal-sugaha Dubai, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, ahna Wasiirka Difaaca, H.H. Sheikh Hamdan bin Mohammed bin Rashid Al Maktoum.
Sida lagu sheegay war ka soo baxay dowladda Imaaraadka Carabta, kulanka oo ka dhacay Qasr Al Bateen ee Abu Dhabi, labada Madaxweyne ayaa is dhaafsaday salaamo iyo hambalyo ku aaddan bisha barakaysan ee Ramadaan, iyagoo Alle uga baryay horumar iyo barako sii kordha oo u gaar ah dalalkooda iyo shacabkooda.
“Wadahadalladu waxay diiradda saareen xoojinta xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya Imaaraadka iyo Soomaaliya, iyagoo ka arrinsaday fursadaha lagu horumarin karo iskaashiga dhinacyada kala duwan, gaar ahaan dadaallada lagu xoojinayo koboca iyo xasilloonida Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay wakaaladda wararka Imaaraadka Carabta ee WAM.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay Imaaraadka Carabta taageerada joogtada ah ee uu siiyo horumarka Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay doorka muhiimka ah ee Imaaraadku ka ciyaaray sidii shacabka Soomaaliyeed u gaari lahaayeen yoolalkooda koboca, xasilloonida, iyo barwaaqada.
Dowladda Soomaaliya oo amar dul dhigtay shirkadaha duulimaadyada caalamiga ah.
Talaado 11, March 2025 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku amartay dhammaan shirkadaha duulimaadyada caalamiga ah ee ka howlgala dalka inay bixiyaan xogta Rakaabka Hormarsan (API) iyo Diiwaanka Magacyada Rakaabka (PNR) laga bilaabo 31-ka Maarso 2025.
Go’aankan waxaa loogu talagalay in lagu xoojiyo amniga xuduudaha iyo la-dagaallanka khataraha ay ka mid yihiin argagixisada iyo dambiyada caalamiga ah, iyadoo la waafajinayo Xeerka Socdaalka Soomaaliya ee tirsigiisu yahay 9 ee 1966 iyo Qaraarrada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC) 2178 iyo 2396.
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa uga mahadcelisay Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya taageerada ay siisay hirgelinta tallaabadan muhiimka ah ee amniga.
Mareykanka ayaa muddo dheer ku daray xogta PNR nidaamyadiisa amniga, isaga oo aqoonsaday doorkeeda muhiimka ah ee ka hortagga argagixisada.
Qaadashada Soomaaliya ee siyaasaddan waxay sare u qaadi doontaa awoodda dalka ee baaritaanka rakaabka iyo la socodka dadka soo galaya, taasoo gacan ka geysan doonta sugidda amniga.
Soomaaliya ayaa wajahaysay caqabado amni oo ba’an, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida. Kooxdan ayaa ka faa’iidaysatay daciifnimada hay’adaha amniga, gaar ahaan xuduudaha dalka.
Hirgelinta shuruudaha API iyo PNR waa tallaabo qayb ka ah dadaalka caalamiga ah ee lagu xakameynayo dhaqdhaqaaqa dagaalyahannada ajnabiga ah, iyadoo hay’adaha caalamiga ah, oo ay ka mid yihiin Qaramada Midoobay, ay dalalka ay khuseyso ugu baaqayaan inay hirgeliyaan nidaamyada xog-wadaagga amniga.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa hore u soo saartay digniino safar oo la xiriira Soomaaliya, iyada oo walaac xooggan ka muujisay halisaha argagixisada iyo dambiyada.
Arrintan ayaa xoojinaysa muhiimadda ay leedahay adkaynta xuduudaha. Siyaasadda cusub ee Soomaaliya ayaa la filayaa inay xoojiso kaabayaasha amniga iyo in ay gacan ka geysato la-dagaallanka khataraha ay wadaan Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee xagjirka ah.
Tallaabadan cusub ayaa waafaqsan heerarka caalamiga ah ee xakamaynta xuduudaha, taasoo sare u qaadi doonta awoodda Soomaaliya ee ogaanshaha iyo ka hortagga khataraha amniga.
Dolwadda Suuriya iyo Ciidamada Kurdiyiinta oo heshiis wada gaaray.
Talaado 11, March 2025 {HMC} Madaxtooyada Suuriya ayaa Isniintii ku dhawaaqday heshiis ay sheegtay in Isniintii shalay ay kala saxiixdeen Dowladda Suuriya iyo kooxda hubeysan ee Kurdiyiinta Suuriya ee loo soo gaabiyo SDF.
Dhinacyada ayaa sheegay in ay ku heshiiyeen in SDF oo maamusha gobolka Waqooyi-bari ay ku biirto dowladda cusub, isla markaana ay ciidamadoodu la midoobaan ciidanka dowladda.
Maamulka cusub ee Suuriya ee uu hogaamiyo madaxweynaha ku meel gaarka ah ee Axmed Al-Sharaca ayaa isku dayaya in uu kala diro kooxaha hubaysan oo ay maamulaan guud ahaan dalka, tan iyo markii xilka laga tuuray hogaamiyihii mudada dheer xukumayay dalkaasi ee Bashaar al-Assad bishii December ka dib in ka badan 13 sano oo dagaal sokeeye ah.
Heshiiskan cusub oo la filayo in la dhaqan galiyo dhamaadka sanadka ayaa imaanaya, kadib maalmo rabshado ay ka socdeen dhulka ay qowmiyada laga tirada badan yahay ee Calawiyiinta Siiriya oo khatartii ugu cusleyd ka soo wajahday tan iyo markii la riday Asad.
Madaxtooyada Suuriya ayaa Isniintii daabacday bayaan ay saxeexeen labada dhinac oo dhigaya heshiis isku dhaf ah oo taabanaya dhamaan hay’adaha rayidka ah iyo kuwa milatariga ee waqooyi-bari ee Suuriya, oo ay ku jiraan xarumaha xuduudaha, garoonka diyaaradaha, saliidda iyo gaaska”
Kooxda kurdiyiinta SDF ayaan isla markiiba ka jawabin codsi AFP ay u dirtay ooah in ay ka hadlaan arrintan.
Consul General of Somalia in Jeddah Meets with Governor of Jeddah
Jeddah, 11 March 2025 {HMC} The Consul General of the Federal Republic of Somalia in Jeddah, H.E. Mr. Abdiweli Hersi Abdi, held a meeting on Sunday with the Governor of Jeddah, Prince Saud bin Abdullah bin Jalawi.
Discussions focused on enhancing bilateral cooperation and strengthening ties between Somalia and Saudi Arabia.
The Consul General expressed appreciation for the warm reception and highlighted the importance of continued collaboration.
{DAAWO MUQAALKA} Duqeeymo Culus oo Caawa Ka Dhacay Puntland
Isniin 10 March 2025 {HMC} Duqeeymo Culus oo Caawa Ka Dhacay Puntland
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Dowladda Soomaliya oo Beenisay Warar laga Faafiyay Mareeykanka
Isniin 10 March 2025 {HMC} Dowladda Soomaliya oo Beenisay Warar laga Faafiyay Mareeykanka



