Isniin 10 March 2025 {HMC} Xildhibaan Maalik Cabdalla “Waddo noofuran Majirto oo aanan eheyn inaa Dagaalano”
{DAAWO MUQAALKA} Saraakiishii AS ka saari Mudug oo gaaray Galmudug.
Isniin 10 March 2025 {HMC} Saraakiishii AS ka saari Mudug oo gaaray Galmudug.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Muxuu Ra,iisul wasaara ku Xigeenka Kusoo Arkay Caawa D.deeyniile?
Isniin 10 March 2025 {HMC} Muxuu Ra,iisul wasaara ku Xigeenka Kusoo Arkay Caawa D.deeyniile?
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Dhacdooyinkii Ugu Dambeeyay Caalamka 10-03 2025.
Isniin 10 March 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineyna Dhacdooyinkii Ugu Dambeeyay Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Sheekh Shariif oo ka hadlay xaalada dalka iyo dagaalka kooxda AS.
Isniin 10, March 2025 {HMC} Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa ka hadlay dagaalka Al-Shabaab, gaar ahaan howlgalka ka socda Shabeellaha Dhexe iyo xubnaha Shabaab-ka ah ee soo galay deegaannada ay degto beeshiisa.
Sheekh Shariif ayaa caddeeyey in uu door ka qaadan doono dagaalka, isaga oo dowladda federaalka ku dhaliilay in aysan wax fursad ah u oggolaan mucaaradka si ay uga qeyb galaan dagaalka.
Sidoo kale, Sheekh Shariif ayaa dhaliilay dowladda federaalka, isagoo sheegay in aysan diyaarin qorshe ciidan oo looga hortegi karo weerarrada kooxda. “Dalkan ciidan kuma yara, laakiin hoggaan kuma jiro,” ayuu yiri.
“Ciidamada dowladda maanta tiro iyo hub kuma yara, laakiin haddii dagaalku dheeraado oo qaladaadka dhacaya aan la sixin, ciidanku waa daalaa, cadowguna wuxuu ka faa’iidaysanayaa dulduleelka jira. Waxaan aaminsanahay in ciidankeennu yihiin geesiyaal waayey garabkii ay u baahnaayeen,” ayuu yiri Sheekh Shariif.
Sheekh Shariif ayaa su’aal ka keenay sababta ay dowladda u ogaan weysay maalmaha ay Shabaab ka dhisayeen buundada deegaanka Oobaale oo hoos taga degmada Mahadaay, halkaas oo NISA xalay shaacisay in duqeyn lagu burburiyey.
Madaxweynihii hore, Sheekh Shariif, ayaa madaxda dowladda federaalka kula taliyey in dib loo abaabulo ciidamada, lana magacaabo saraakiil karti leh oo hoggaanka la wareega.
“Haddii aan dowladda talo siino waa nala dhibsadaa, haddii aan ka aamusnana waa nala dhibsadaa. Annaga iska daaye, dowladihii waaweynaa ee ciidankeena wax ka dhisay ayaa xogaha amni ee ay bixinayaan la dhibsaday oo aan la tixgelin kaalintooda,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Sheekh Shariif.
Sidoo kale, Sheekh Shariif ayaa sheegay in caburinta ay dowladda federaalku waddo ay gaartay heer ay kala fogaadaan dowladihii taageerayay dhismaha dowladnimada iyo qalabeynta ciidamada qaranka.
“Farriimaha amniga ee ay soo gudbiyaan dowladaha saaxiibadeen ah waa in lagu dhaqmaa, yaana dhinacyo kale loo fasirin. Wixii laga digayana waa in la iska ilaaliyo in ay dhacaan,” ayuu yiri Sheekh Shariif.
Ugu dambeyn, wuxuu sheegay in dowladda ay ka gaabisay waxyaabo badan oo lagama maarmaan u ahaa dagaalka Khawaarijta, sida in loo gurmado ciidamo u baahnaa gurmad, in hub la siiyo ciidamada dagaalka ku jira, iyo in laga hortago Shabaab-ka ka gudbaya webiga oo buundo sameysanaya.
Xagee ayuu marayaa Sahminta Shidaalka Soomaaliya?
Isniin 10, March 2025 {HMC} Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in inta badan sahmintii shidaalka ee shirkadda Turkiga ay ka wadday Soomaaliya ay soo gabagabowday.
Wasiirka Shidaalka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed ayaa sheegay in boqolkiiba toddobaatan la dhameeyay sahminta shidaalka Soomaaliya, taasoo ka dhigan in badankeedu soo idlaatay.
Wasiir Daahir Shire oo la hadlay VOA-da, ayaa sheegay in Soomaaliya ay noqon karto mustaqbalka dhow dal helay shidaal, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay sahminta ay badankeeda soo idlaatay.
“Baaritaan ayaa lagu jiraa, illaa hadda xogtii la raadinayay ee 3D ahayd waxay maraysaa 70%, waana markii ugu horreysay ee geyiga Soomaaliyeed laga sameeyo baaritaan noocaan ah,” ayuu yiri Wasiirka Shidaalka Soomaaliya.
Wuxuu intaas ku daray: “Hadda warbixinnada hordhaca ah ee aan hayno waxay sheegayaan in Soomaaliya noqon karto mustaqbalka dhow dal helay shidaal.”
Marka laga soo tago Turkiga, Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale dhawaan heshiis dhinaca shidaalka iyo macdanta ah la gashay dalka Azerbaijan.
Goorta la soo gabagabeynayo sahminta shidaalka
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horraantii sanadkan shaacisay in bisha April ee 2025 ay noqon doonto waqtiga kama dambaysta ah ee la soo gabagabeynayo sahminta shidaalka Soomaaliya, taasoo uu haatan wado dalka Turkiga oo soo diray markab sameynaya baarista.
“April ayaan la soo gabagabeyn doonaa sahminta shidaalka haddii aysan imaan caqabado dib u dhac keeni kara,” sida uu sheegay Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Aadan.
Wuxuu intaas ku daray: “Sida aan isku afgaranay Turkiga sahminta wada, haddii aysan caqabado imaan, waxaan dejinay qorshaha ah inaan Abriil soo gabagabeyno. Waa in la ogaadaa dabayaaqada bisha goobta saxda ah ee la qodi doono shidaalka.”
Kadib sahminta shidaalka maxaa xiga?
Marka ay soo dhammaato howsha sahminta, waxaa lagu dhaqaaqi doonaa qodista shidaalka, sida ay qorsheyneyso Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Badda Soomaaliya waxaa ku yaalla in ka badan 200 xirmo oo la rumeysan yahay inuu shidaal ka buuxo, kuwaas oo aan badankood sahmin lagu sameyn sababo la xiriira walaaca dhanka amniga iyo khilaafaadka ka jira dalka.
Horraantii sanadkii tegay ee 2024 ayay ahayd markii Soomaaliya iyo Turkiga gaareen heshiis lagu sahminayo shidaalka iyo macdanta kale ee badda ku jirta.
Dabayaaqadii isla sanadkaas, markabka baaritaanka ee Turkiga, Oruç Reis, ayaa soo gaaray dekedda Muqdisho, wuxuuna ruqaansaday goobaha loo arko inay ku habboon yihiin baarista, si loo sumadeeyo meelaha lagu arko kheyraadka la qorsheynayo in la soo saaro.
Marka la helo natiijo la isku halleyn karo, kadib ayaa la guda geli doonaa soo saarista shidaalka, sida uu dhigayo heshiiska Soomaaliya iyo Turkiga.
{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {10.03.2025}
Isniin 10, March 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahmaan Ahmed Maaskaro
Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud
HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO
{DAAWO MUQAALKA} Ra’iisul Wasaaraha Canada oo la wareegay oo ku hanjabay in uu dagaal siyaasadeed la galayo Trump
Isniin 10 March 2025 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Canada oo la wareegay oo ku hanjabay in uu dagaal siyaasadeed la galayo Trump
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Shiiq Shariif “AS Qabiil lama Dagaalami Karo ee Daawalada Ayaa la Dagaalami Karto”
Isniin 10 March 2025 {HMC} Shiiq Shariif “AS Qabiil lama Dagaalami Karo ee Daawalada Ayaa la Dagaalami Karto”
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Ciidamada Amaanka Oo Gacanta ku dhigay Nin Saldhig Boolis ah Sameeystay
Isniin 10 March 2025 {HMC} Ciidamada Amaanka Oo Gacanta ku dhigay Nin Saldhig Boolis ah Sameeystay



