Home Blog Page 1152

Somalia and Sweden Sign Cooperation Agreement

Monday March 10, 2025 {HMC}  The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Ahmed Moallim Fiqi Ahmed, signed a cooperation agreement on peace and stability on Monday in his office with the Ambassador of the Kingdom of Sweden to Somalia, H.E. Mr. Joachim Waern. The agreement aims to advance stability in the country and deepen bilateral cooperation.

{DAAWO MUQAALKA} Xildhibaan Raaxeeye oo ka hadlay buuqii maanta ee Baarlamaanka.

0

Isniin 11 March 2025 {HMC} Xildhibaan Raaxeeye oo ka hadlay buuqii maanta ee Baarlamaanka.

 HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Nabadoon ka Tirsan Ciidanka Deeganka ka Hadlay Arin aay AS Sameeyeen

0

Isniin 11 March 2025 {HMC}  Nabadoon ka Tirsan Ciidanka Deeganka ka Hadlay Arin aay AS Sameeyeen

 HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

Dagaal Beeleed Qasaaro Geystay Oo Maanta Ka Dhacay Deegaano Ka Tirsan G/Sanaag.

Isniin 10, March 2025 {HMC} Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyay labo maleeshiyo beeleed oo maanta ku dhexmaray deegaano ka tirsan gobolka Sanaag.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dhacay Dooxada Dureera inta u dhaxaysa deegaanka Damala-xagare iyo Dawaco ee Gobolka Sanaag.

Inta la ogyahay 10 qof ayaa ku geeriyootay dagaalka, halka tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Dagaalka uu salka ku hayo ismaandhaaf la xiriira dhul-daaqsimeedka Dureera oo muran beeleed soo jiitamayay muddooyinkii lasoo dhaafay, inkastoo hore labadan beelood loo dhex dhexaadinyay, hayeeshee maanta ay isku dhaceen.

Ciidamo ka socda maamulka SSC-Khaatumo ayaa tagay goobta dagaalka, iyagoo wado siddii ay xakameeyaan xiisadda.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in hadda xaaladdu degan tahay, inkastoo laga cabsi qabo in dagaalku mar kale dib u qarxo haddii aan si degdeg ah xal waara loo helin.

Dadka deegaanka ayaa ka walaac xoogan ka muujiyay xiisada soo cusboonaatay, maadaama ay horey u socday dadaalo ku aadan dhameynta xiisada, inkastoo uu fashilmay.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka G/Sanaag iyo Kan SSC-KHAATUMA, kaasi oo ku aadan in ay ka hadlaan dagaalka.

{DAAWO MUQAALKA} Itoobiya oo Soo iibsanaysa Maraakiib Cusub Xilli ay Dadaal ugu Jirto inay Hesho Marin Badeed

0

Isniin 11 March 2025 {HMC}  Itoobiya oo Soo iibsanaysa Maraakiib Cusub Xilli ay Dadaal ugu Jirto inay Hesho Marin Badeed

 HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

Baarlamaanka Soomaaliya Oo Ansixiyay Hindise sharciyeedka Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed

Isniin 10, March 2025 {HMC} Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta golaha shacabka ku yeeshay kalfadhiga lixaad kulankiisa lixaad, waxaana shir guddoominayay guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Ugu horeyn Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) ayaa dhaariyay mudane Maxamed Cabdi Cali oo ka mid noqday Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad.

Intaasi ka dib mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka Dalka ayaa ansixiyay hindise sharciyeedka Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed, waxaana ogolaatay 139-xildhibaan, laba Xildhibaan ayaa diiday wax ka aamusay ma jirin.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka ee XFS mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa Xildhibaanadda Golaha uga mahadceliyay ansixinta hindise sharciyeedka Cadaaladda da’yarta Soomaaliyeed.

Sidoo kale Xildhibaanadda Golaha Shacabka ayaa ansixiyay hindise sharciyeedka sharciga canshuurta dakhliga, waxaana ogolaatay 138-xildhibaan , laba xildhibaan ayaa diiday hal xildhibaanna waa uu ka aamusay.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee XFS mudane Biixi Iimaan Cige ayaa mudanayaasha Golaha Shacabka uga mahadceliyay ansixinta hindise sharciyeedka sharciga canshuurta dakhliga oo uu sheegay in uu faa’iido weyn u leeyahay nidaamka maaliyadeed ee dalka.

Dhinaca kale Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa akhrinta labaad marsiiyay hindise sharciyeedka sharciga hay’addaha Maaliyadda iyo hindise sharciyeedka shirkadaha Caymiska, waxaana guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka oo kulanka soo xiray uu faray guddiga ay quseyso in labada Hindise sharciyeed soo diyaariyaan akhrintooda sedaxaad dibna golaha ugu soo celiyaan.

Dowladda Soomaaliya Oo Sheegtay In Safarkii MW Cirro Ee Imaaraadka Uusan Saameyn Ku Yeelan Doonin Xiriirka Labada Dal

Isniin 10, March 2025 {HMC} Wasiiru dowladaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cali Maxamed Cumar, Cali Balcad ayaa ka hadlay casumaadii iyo maamuuskii dhawaan dalka Imaaraadka Carabta loogu sameeyey madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro.

Casuumada Imaaraadka uu u sameeyay madaxweynaha Somaliland oo aheyd mid hab maamuuskeedu aad u sareeyay ayaa noqotay maalmahii lasoo dhaafay mid hadal heyn badan dhalisay, waxaana Wasiir Cali Balcad uu tilmaamay in casuumaadaasi aysan waxba u dhimi doonin xiriirka ay la lee yihiin Imaaraadka.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Balcad in dawladda Imaaraadka ay ka mid tahay dowladaha sida weyn Soomaaliya uga taageero dhinaca dhismaha ciidanka.

“Dee anagu iyo Imaaraadku xiriir taariiqi ah baa naga dhaxeeya, Soomaalidu meelahii ugu horeeyay ay ku baxsadeen xiligii dagaaladu ay jireen oo ay ganacsigooda kusii wateen waxay aheyd Imaaraadka, ganacsiga aduunka ugu weyn halka uu ku xiran yahay waa Imaaraadka, Soomaalida shirkadaheeda ugu badan halkey kasoo faracmeen waa Imaaraadka Carabka, marka dhanka Ganacsiga xiriirka aadka u weyn baanu ka leenahay, dhanka siyaasadana Imaaradka waxuu ka mid yahay dalalkii ugu horeeyay ee ka taageeray Soomaaliya dhinaca amniga” ayuu yiri Wasiir Cali Balcad.

Ugu dambeyntii Wasiir Cali Balcad ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay soo dhaweyneyso in maamul goboleedyada dalka oo ay ka mid tahay Somaliland ay ka qeyb galaan shirarka noocaan oo kale ah ee lagu hormarinaayo ganacsiga iyo dhaqaalaha.

Somaliland Oo Beenisay In Ay Cashuuro Cusub Ku Kordhisay Shirkadaha Isgaadhsiinta

Isniin 10, March 2025 {HMC} Xukuumadda Somaliland ayaa beenisay in cashuur ay kusoo rogtay shirkadaha isgaadhsiinta ay sidoo kale ku waajibayso lacagaha telefoonada layskugu diro, kadib markii warar arrintaas sheegaya ay suuqa soo galeen.

Wasaaradda Maaliyadda oo ka jawaabaysa su’aalaha ay bulshadu qabto ayaa sheegtay in cashuurta isgaadhsiinta ee (GST) ay ku dhacayso keliya adeegyada ay shirkaduhu bixiyaan, sida lacagta ku hadalka ee mobile-ka, internet-ka mobile-ka (Mobile Data), internet-ka xafiisyada/guryaha, iyo adeegyada kale ee isgaadhsiinta ee shirkaduhu bixiyaan.

“Waxaa soo baxay fariimo been abuur ah oo lagu baahiyey baraha bulshada, kuwaas oo lagu jahawareerinayo bulshada laguna sheegay in cashuurta GST ee la dhaqan-geliyey ay ku dhacayso lacagaha la isugu diro taleefanka gacanta ee Zaad iyo eDahab, taas oo aan waxba ka jirin haba yaraatee,” ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay Wasaaradda Maaliyadda.

Cashuurtan oo ay waajibisay xukuumadda cusub ee Somaliland isla markaana aan hore loo qaadi jirin ayaa cabsi gelisay bulshada, kadib markii ay suuqa soo galeen warar sheegaya in cashuurtaasi ay ku waajibayso lacagaha danabaysan ee telefoonada layskugu diro sida Zaad iyo eDahab.

Xukuumaddu waxay sheegtay in cashuurtan looga golleeyahay kobcinta dhaqaalaha iyo kor u qaadista dakhliga si loo horumariyo adeegyada ay xukuumaddu bixiso, loona hirgeliyo mashaariicda horumarineed oo wax ka taraya kobaca dhaqaalaha.

{DAAWO MUQAALKA} Muxuu Yahay Ujeedka Safarka Madaxweeyne Xasan ee Imaaraadka?

0

Isniin 11 March 2025 {HMC} Muxuu Yahay Ujeedka Safarka Madaxweeyne Xasan ee Imaaraadka?

 HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Ciidamada Dowladda oo Dilay Sargaal ka tirsan AS.

0

Isniin 11 March 2025 {HMC} Ciidamada Dowladda oo Dilay Sargaal ka tirsan AS.

 HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA