Home Blog Page 497

Madaxweyne Xasan Shiikh oo guddoomiyey Shirka Maalgelinta Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

0

Sabti 27, Sep 2025 {HMC}  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey Shirka Maalgelinta Hawlgalka Taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo lagaga arrinsayey garab istaagga amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa muujiyey mudnaanta ay leedahay in Soomaaliya hesho taageero dhaqaale oo joogto ah, si loo xaqiijiyo amniga, loo dhiso awoodda Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed, loona sii ambaqaado jidka xasilloonida iyo madax-bannaanida dalka.

Shirkan oo ay wadajir u soo qabanqaabiyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Afrika ayaa waxaa ka soo qeybgalay saaxiibbada caalamiga ah iyo deeq-bixiyeyaasha oo xoogga saarayey maalgelinta howlgalka AUSSOM.

Sidoo kale, Dowladda Federaalka iyo Bahwadaagta Caalamiga ah ayaa soo bandhigay qorshayaasha dhaqaale ee hawlgalka iyo sida loo xaqiijin lahaa taageerada dhaqaale ee amniga Soomaaliya, iyadoo la isla qaatay kabka miisaaniyadeed ee Hawlgalka Taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

WAR DEG DEG AH :Banaanbixii mucaaridka oo Baaqday.

0

Jimco 26, Sep 2025 {HMC} Warar aanu helnay ayaa sheegaya in dib loo dhigay dibadbax mucaaradku ay doonayeen inay ka dhigaan Muqdisho maalinta birri ah.

Kadib shirar saacado badan qaatay oo Muqdisho ku dhexmaray xubnaha mucaaradka iyo guddi isugu jiray Xillibaanno iyo waxgaradka Muqdisho waxaa laisku afgartay in dib loo dhigo dibadbaxa iyadoo sidoo kale laisku afgartay inay wadahadalladu sii socdaan.

Shacabka Magaalada Muqdisho ayaa dhagta u taagayay arrimaha khilaafka u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya  iyo mucaaradka.

 

Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation of Somalia concludes diplomatic cultural days with friendly football matches

0

Friday 26, Sep 2025 {HMC} The Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation of Somalia concludes diplomatic cultural days with friendly football matches.

The Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation of Somalia organized diplomatic cultural days aimed at strengthening relations and friendship, featuring football matches between the Ministry and the Embassies of Türkiye, the United Kingdom, and Italy.

The matches, which lasted for two days, were officially concluded today, with the final game won by the team of the Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation, who were awarded the tournament trophy.

The Turkish Embassy played a major role in making this event possible by offering its stadium for the matches to be held in an atmosphere of friendship and mutual understanding.

This event is a clear example of the progress Somalia has achieved, particularly in the area of security in the capital, which has become more reliable, demonstrating that the country is moving firmly forward on the path of democracy and the implementation of one-person-one-vote elections.

Iiran oo Ruushka la gashay heshiis lagu hormarinaayo tamarta nukliyeerka kuna kacaayo 25 bilyan oo Dollar.

0

Jimco 26, Sep 2025 {HMC} Dowladda Iiran ayaa la gashay Ruushka heshiis 25 bilyan oo dollar ah oo koonfurta Dalka Iiran looga dhisayo afar warshadood oo tamarta nukliyeerka ah.

Isla markiiba heshiiskan wuxuu saameyn ku yeeshay cadaadiska ay reer galbeedka saarayaan Iiraan, kaddib markii Putin uu wacay dhiggiisa Shiinaha , Xi Jinping oo ay ka wadahadleen sidii looga hortagi lahaa cunaqabateynta ka dhan ka ah Iiran ee Mareykanka iyo reer Yurub ay horgeynayaan golaha ammaanka , waxayna Ruushka iyo Shiinaha soo jeediyeen in dib loo dhigo cunaqabateynta , taa haddii aan la sameyn waxay ku hanjabeen inay adeegsan doonaan codka qayaxan.

Iiraan ma ay doonayso in dib loo soo celiyo cunaqabateynta golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ah heerka ugu adag ee cunaqabateyn dal la saaro, waa wax u dhigma in Iiraan laga go’doominayo dunidda inteeda, si ka duwan waqti kasta oo hore hadda Ruushka iyo Shiinaha ayaa soo bandhigaya inay wax walba u sameynayaan si aan cunaqabateynta loo saarin, kaliyana Iiran xaaladan ugama harin inay xulafado la tahay Ruushka iyo Shiinaha ee waxay adeegsatay heshiis dhaqaale badan uu ku helayo Ruushka , xilligan oo dagaal dheer uu ku jiro oo saameyay dhaqaalihiisa, waana cashar ku filan sida ay dunidda u shaqeyso oo ah danaha la wadaago.

Khilaafka mucaaradka iyo DFS u dhaxeeyo Maxaa ka dhalan karo.?

0

Jimco 26, Sep 2025 {HMC} Soomaaliya waxay maanta taagan tahay marxalad xasaasi ah oo taariikhi ku noqon karta jihada mustaqbalkeeda.

Waa xilli siyaasadeed oo ay isku darsameen dhowr arrimood oo mid walba khatar iyo fursadba xambaarsan.

Muddo xileedkii madaxweynaha oo gabaabsi ah, mucaarad doorasho u diyaar garoobaya, dawlad ku eedeysan inay xoog ku faaruqisay dhulal ay dad ku noolaayeen, iyo bannaanbaxyo mucaaradku ku baaqeen oo laga cabsi qabo inay isu rogaan rabshad, dhammaan waxay abuurayaan xaalad aad u kacsan oo ka dhex aloosan caasimadda Muqdisho oo ah magaalo leh taariikh culus oo mar kasta xuddun u ahayd isbeddellada siyaasadeed ee dalka.

Haddii si caqli iyo xikmad leh loo maareeyo, xaaladan waxay isu rogi kartaa fursad.

Fursad mucaaradku ku muujiyo awooddooda siyaasadeed iyagoo cabashadooda ku gudbinaya si nabadeed, dawladduna ku muujiso dulqaad iyo dabacsanaan iyadoo ilaalinaysa xuquuqda muwaadiniinta.

Waa fursad lagu dhisi karo dhaqan siyaasadeed oo cusub.Taariikhda dunida waxay na bartay in dalal badan ay xaalado sidan oo kale ah uga gudbeen iyadoo la adeegsaday dulqaad iyo wada-hadal.

Tunisia intii ka dambeysay kacdoonkii 2011 waxay ku guuleysatay in khilaaf siyaasadeed oo ba’an lagu xaliyo hannaan wada-tashi.

Waxa taas ka muuqata in hoggaan caqli badan iyo mucaarad mas’uul ah ay dalka ka badbaadin karaan burbur, ayna abuuri karaan tusaale guul ah.

Marka dawladdu isku daydo inay mucaaradka ku caburiso ciidan, waxay keeni kartaa in bannaanbaxyo nabadeed isu rogaan rabshado.

Haddii mucaaradku iyaguna bannaanbaxyada u adeegsadaan kicinta shacab iyo hurinta xiisad, waxay abuuri karaan xaalad gacan ka hadal ah oo aan cidna ka faa’iideysan.

Waxaa lama huraan ah in la xasuusto in bannaanbaxu uu yahay xuquuq dastuuri ah, balse ilaalinta nabadda iyo amniga bulshada waa masuuliyad dawladeed.

Dawladdu waa inay muujisaa dulqaad iyo dabacsanaan, iyadoo bannaanbaxyada u ogolaanaysa inay dhacaan si sharci iyo nabad ah, isla markaana ka ilaalinaysa inay isu rogaan qalalaase.

Mucaaradkuna waa inay muujiyaan mas’uuliyad siyaasadeed, ayna caddeeyaan in ujeeddadoodu aysan ahayn rabshad ama firaaq siyaasadeed oo lagu kiciyo dalka, balse ay tahay in codkooda iyo cabashadooda loo maqliyo si nabad ah.

Haddii labada dhinac ay qaataan mas’uuliyad, waxaa suuragal ah in Soomaaliya uga gudubto marxaladdan iyadoo nabad lagu ilaaliyo.

Soomaaliya maanta waxay u baahan tahay hoggaan iyo mucaarad si mas’uuliyad leh u dhaqma, kuwaas oo fahma in shacabka Soomaaliyeed ay ka daaleen rabshad.

Waxaa maanta horyaalla hoggaanka Soomaaliyeed doorasho cad, inay noqdaan kuwii caqliga doortay oo dalka ka saaray khilaaf aan loo baahnayn, ama inay noqdaan kuwii sii fogeeyay riyada shacabka Soomaaliyeed ee ah inay helaan dal nabad ah oo xasiloon.

W/Q Iman Jamac.

Mucaaradka DFS oo ku adkeesanaya inay banaanbax nabadeed ku qabanayaan Muqdisho.

0

Jimco 26, Sep 2025 {HMC} Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa yiri “Banaanbax iyo Xorriyadda hadalka waa xuquuq uu Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka dammaanad qaaday ayadoon cidna fasax la weydiisaneyn, Haddii xukuumaddu is hor istaagto xaqaas Dastuuriga ah, waxaa meesha ka baxaya xaqa fulinta ee Dastuuriga ah ee loogu hogaansanaa.”

Mucaaradka Dowladda Federaalka ayaa horay u shaaciyay in banaanbaxyadu ka dhici doonaan degmooyin dhowr ah oo ka tirsan gobolka Banaadir, balse tallaabadan ayaa si cad uga hor timid dowladda federaalka, maamulka gobolka Banaadir, iyo hay’adaha amniga qaranka.

Ciidamo badan ayaa lagu arkayaa waddooyinka muhiimka ah ee caasimadda, iyadoo laga dareemayo adkeyn dhanka amniga ah.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo xubin muhiim ka ah Golaha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa dhinaciisa waxa uu shacabka la wadaagay fariin u qorneeyd “Si aan uga hortagno dhul boobka, barakicinta iyo dulmiga joogtada ah ee lagu hayo shacabka, waxaa waajib qaran nagu ah in aan codkeenna mideyno, innagoo si cad u muujinayna diidmaddeenna una istaagayna joojinta gaboodfalka, Berri, si wadajir ah ayaan isugu iman doonnaa Siinaay, Dayniille iyo Tarabuunka.”

Dowladda ayaa uga digtay mucaaradka in ay qaadaan tallaabooyin ay ku abaabulayaan mudaharaadyo aysan dowladda ogoleyn, iyadoo sheegtay in arrintaasi ay keeni karto qalalaase amni.

“Dowladda Federaalka ma oggolaan doonto isu-soo-bax sharci darro ah oo khatar galin kara nabadgelyada,” ayey tiri wasaaradda amniga gudaha.

Si kastaba, siyaasiyiinta mucaaradka ayaa sii wada shirar iyo kulamo ka dhacaya magaalada Muqdisho, iyagoo ku doodaya in ay leeyihiin xaq dastuuri ah oo ay ku cabbiri karaan aragtidooda iyada oo aan la caburin.

Xiisaddan sii xoogeysaneysa ayaa walaac weyn ku abuurtay shacabka Muqdisho, kuwaasoo ka baqaya in ay dhacaan iska horimaadyo dhex mara ciidamada ammaanka iyo taageerayaasha mucaaradka haddii mudaharaadka la qabto.

RW Xamse oo daah-furay Tartanka Ciyaaraha Degmooyinka Gobolka Banaadir, iyo degmooyinka deriska la ah.

Jimco 26, Sep 2025 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta daah-furay Tartanka Ciyaaraha Degmooyinka Gobolka Banaadir, iyo degmooyinka deriska la ah caasimadda ee Balcad iyo Warsheekh, oo sanadkan la ballaariyey, si loo xoojiyo isdhexgalka bulshada, horumarinta ciyaaraha iyo dhiirrigelinta nabadda.

Munaasabadda furitaanka oo ka dhacday garoonka ciyaaraha ee Istaadiyow Muqdisho ayaa waxaa ka soo qaybgalay; Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Xildhibaan Dahabo Suusow, Wasiirro, xildhibaanno, Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir, Guddoomiyeyaasha degmooyinka, Madaxda degmooyinka Balcad iyo Warsheekh, iyo Halyeeyadii hore ee kubadda cagta Soomaaliyeed.

Tartanka waxaa si rasmi ah loogu furay ciyaar u dhaxaysa Xulka Kubadda Cagta Degmada Kaaraan, oo ah difaacdayaasha koobka, iyo Xulka Degmada Dharkeynley, oo horey ugu guuleystay.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ku nuuxnuuxsaday muhiimadda uu isboortigu ku leeyahay dhismaha nabadda, isagoo ku baaqay in tartankan loo arko mid kobcinaya isfahamka, wadajirka iyo nabadda bulshada Soomaaliyeed.

Maxeey ka wada Hadleen Madaxweyne Xasan iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.?

0

Jimco 26, Sep 2025 {HMC}  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xarunta Golaha Qaramada Midoobey ee magaalada New York waxa uu kulan doceed kula yeeshay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mudane António Guterres.

Madaxweynaha iyo Xogahaya ayaa ka wada hadlay xoojinta iyo adkeynta iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, gaar ahaan dhinacyada nabadda gobolka, amniga iyo horumar waara.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey Xoghayaha Guud taageerada joogtada ah ee Qaramada Midoobay ay siiso shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, isagoo uga warbixiyey qorsheyaasha hirgelay ee dowladdu ay ku xaqiijinayso amniga, doorashooyinka iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

 

{DAAWO MUQAALKA} “Soomaalidii waxay ka dhaqaaqi la’dahay in la is lugooyo” Sheekh Cabdi Xayi

0

Jimco 26- Sep 2025 {HMC} “Soomaalidii waxay ka dhaqaaqi la’dahay in la is lugooyo” Sheekh Cabdi Xayi

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 26-09-2025.

0

Jimco 26- Sep 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY