Khamiis 4, Sep 2025 {HMC} Geeska Africa Khatar buu gali lahaa Haddii dagaalka Daacish Puntland ku qaadin.
Khamiis 4, Sep 2025 {HMC} Geeska Africa Khatar buu gali lahaa Haddii dagaalka Daacish Puntland ku qaadin.
Farsamadii ::Ismail Abdiqadir
Khamiis 4 Sep 2025 {HMC} Madaxa Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), Amb. El Hadji Ibrahima Diene, ayaa kulan rasmi ah la yeeshay La-taliyaha Ammaanka Qaranka ee Soomaaliya, Amb. Awes Hagi Yusuf Ahmed, kaa oo ka dhacay Villa Soomaaliya.
Kulankan ayaa looga hadlay arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin, Habka kala guurka ammaanka ee Soomaaliya, Dadaallada ka dhanka ah dagaalka kooxaha argagixisada, Xasilinta dalka iyo Mudnaanta siyaasadeed ee hadda jirta.
Amb. Diene ayaa inta uu kulanka socday ku adkeeyay sida Midowga Afrika ugu heellan yihiin taageerida geeddi-socodka nabadda ee ay hoggaaminayaan Soomaaliya, iyadoo la tixgelinayo rabitaanka iyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kale, waxaa kulanka joogay Abdimalik Abdullahi, Agaasimaha Guud ee Ammaanka Qaranka, oo qayb ka ahaa wada hadalada dhex maray mas’uuliyiintaasi.
Kulankan ayaa qayb ka ah iskaashiga iyo wada shaqaynta joogtada ah ee u dhaxaysa Midowga Afrika iyo dowladda Soomaaliya si loo xoojiyo nabadda, amniga, iyo horumarka dalka.
Khamiis 4 Sep 2025 {HMC} Soomaaliya ayaa horumar muuqda ka sameysay dhinaca ammaanka iyadoo lagu qiimeeyay kaalinta 151-aad ee liiska 2025 ee Global Peace Index (GPI), Tani waxay muujineysaa koror tartiib tartiib ah marka loo eego sannadihii hore.
Sanadkii 2023, Soomaaliya waxay ku jirtay kaalinta 156-aad, sanadkii 2024-na waxay okacday kaalinta 153-aad, halka 2025-na ay si kale ugu soo kacday kaalinta 151-aad, taas oo muujinaysa in dadaallo la taaban karo ay ka socdaan gudaha dalka.
Horumarkan ayaa lagu amaanay dadaallada dowladda federaalka Soomaaliya ee lagu xasilinayo dalka iyo la dagaalanka kooxda Al-Shabaab.
Dowladda ayaa sheegtay in horumarkan uu ka dhashay dib-u-habeyn lagu sameeyay hay’adaha ammaanka iyo hawlgallada milateri ee xoogga leh ee lagu beegsanayo kooxaha argagixisada.
Warbixinta GPI 2025 waxay sidoo kale muujisay in Soomaaliya ay hadda ka sareyso wadamo kale oo badan oo caalamka ah, sida Ruushka iyo Waqooyiga Kuuriya, kuwaas oo wali ku jira kaalmooyinka hoose ee amniga adduunka.
Wasaaradda Difaaca Soomaaliya ayaa soo dhoweeyday warbixinta, iyadoo tilmaantay in horumarkani uu ka tarjumayo dedaallada joogtada ah ee dowladda iyo taageerada shacabka iyo beesha caalamka.
Wasiirku wuxuu ballanqaaday in dowladda ay sii wadi doonto dadaallada lagu xaqiijinayo nabad waarta iyo xasilooni dalka ka jirta.
Sidoo kale, warbixinta GPI 2025 ayaa iftiimisay isbedelada ammaanka ee gobolka, iyadoo Itoobiya ay kor u qaaday kaalinteeda ammaanka ah, halka Suudaan iyo Koonfurta Suudaan ay sidoo kale muujiyeen horumar yar oo amni.
Khamiis 4 Sep 2025 {HMC}Dowladda Soomaaliya ayaa joojisay dal ku galka dadka Ajanabiga ah lagu siin jiray Gudaha Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, tillaabadaasi oo daba socota go’aanka 1 da bishaan lagu hirgaliyay Barnaamijka Fiisaha Electrooniga ee (E-VISA)
Sida ay xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah dadka rakaabka caalamiga ah ayaan loo ogalaaneyn in ay soo galaan gudaha Soomaaliya, iyaga oo aan wadan Fiisaha Elektarooniga (E-VISA), halka hore dalgalka loogu siin jiray gudaha Garoonka.
Xogta la helay ayaa tilmaameysa in dalalka qaar sida Muwadniinta wata Baasaboorada Rwanda iyo Malaysia si ka duwan dadka ajanabiga ah loola dhaqmi doono, isla markaasna ay gudaha garoonka ku heli karaan Fiisaha.
Labadaan dal ayaa waxaa xiriir iskaashi oo dhinaca socdaalka ah kala dhaxeeya Soomaaliya, iyagoo si lamid ah Muwadiniinta Soomaalida gudaha garoonka lagu siiyo Dalka ku galka Maleysia iyo Rwanda.
Si lamid ah muwaadiniinta dalalka Itoobiya, Burundi, Jabuuti, Mauritania, Tansaaniya, Uganda, Aljeeriya, Liibiya, Tuunis, Masar iyo Qomoros ayaa sidoo kale heli kara Fiisaha, iyagoo aan soo dalban.
Tillaabadan dowladda ku hirgalisay Fiisaha Electeroogiga ayaa saameyn doonta dadka Soomaalida ee haysta jinsiyada dalalka kale sida Mareykanka ama Yurub.
Khamiis 4, Sep 2025 {HMC} Taliye Saney Cabdulle iyo Saraakiil kale oo gaaray jowhar
Khamiis 4, Sep 2025 {HMC}Faah Faaahin.-Dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo ka Biloowday Jowhar.
Khamiis 4 Sep 2025 {HMC} Kooxda Xamaas ayaa bayaan ayaa bayaan ay soo saartay arbacadii shalay ahayd, ku xaqiijiyay in ay diyaar u yihiin in ay gaaraan “heshiis dhameystiran” kaas oo qayb kamid ah lagu siideynayo haystayaasha oo lagu baddalo tiro maxaabiis ah oo falastiiniyiin ah oo lagu heshiiyey in lagu soo afjaro dagaalka Marinka Gaza
Hadalka Xamaas ayaa yimid kadib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ugu baaqay kooxd in la sii daayo 20-ka qof ee la haystayaasha ku haray gacantooda
Trump ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada ku yiri “U sheeg Xamaas inay si degdeg ah u soo celiso 20-ka qof ee la qafaashay (ma aha laba, shan, ama todoba!), arrimuhuna si degdeg ah ayay isu beddeli doonaan, dagaalkuna wuu dhammaan doonaa
Thursday 4 Sep 2025 {HMC} Somali President Hassan Sheikh Mohamud met Wednesday with the new commander of U.S. Africa Command, Gen. Dagvin R.M. Anderson, in Mogadishu to discuss strengthening security and counterterrorism cooperation. U.S. Ambassador to Somalia Richard H. Riley also attended the talks.
The discussions focused on enhancing Somalia–U.S. collaboration in security, counterterrorism and stabilization efforts, according to officials.
Mohamud praised AFRICOM’s support for Somalia’s ongoing security sector reforms and reaffirmed his government’s determination to advance peace with the help of international partners.
Anderson reiterated Washington’s commitment to working closely with Somalia in the fight against al-Shabaab and in promoting long-term stability in the Horn of Africa.
The visit underscored the enduring partnership between the two countries as Somalia intensifies operations against al-Shabaab, the al-Qaeda-linked group that continues to wage a deadly insurgency in central and southern Somalia.
Source Hiiraaan Online
Thursday 4 Sep 2025 {HMC} Somali President Hassan Sheikh Mohamud on Wednesday accepted the credentials of two newly appointed ambassadors during a ceremony at the State House in Mogadishu.
The diplomats are Francesca Di Mauro, the new European Union ambassador to Somalia, and Henk Jan Bakker, the new ambassador of the Netherlands.
Mohamud congratulated both envoys on their postings and pledged his government’s full cooperation as they begin their diplomatic missions.
For their part, Di Mauro and Bakker thanked the president for the warm reception and reaffirmed their commitment to strengthening ties with Somalia in peacebuilding, development and reconstruction.
The European Union said the ceremony marked the official start of Di Mauro’s mandate, during which she will seek to advance the EU’s longstanding partnership with Somalia. Brussels has long supported the country in development, security, education, humanitarian aid and political engagement.
The Netherlands is also a key partner, contributing to stabilization and development efforts in the Horn of Africa nation.
Source Hiiraan ONline