Home Blog Page 570

Influx of Somali regional forces sparks fear in Kenya

Thursday  4 Sep 2025 {HMC} Kenyans in a border region expressed fear on Wednesday over an influx of Somali regional fighters, pushed over the border following clashes with the central government.

The southern Somali state of Jubaland has long clashed with the federal government based in Mogadishu.

Last month, federal forces seized a key town in Jubaland, forcing local fighters to flee across the border into Kenya’s northeastern Mandera County.

“There is a lot of fear in the area… Most people have run away,” Urgus Shukra, a local elder in Mandera, told AFP by phone.

He said armed Somali forces have been present for four weeks and had occupied “the most important farm area.”

“They are always firing their guns. They have even trained there,” said Shukra.

Ali Ibrahim Roba, a senator for Mandera, wrote on X: “Jubaland forces are now inside Mandera town. Schools have been shut down, businesses paralyzed, and families displaced in fear of stray bullets, RPGs (rocket-propelled grenades) and unexploded ordnance.”

Kenya’s interior secretary Kipchumba Murkomen said there was “no cause of alarm” and that such comments were an exaggeration for political gain.

“We cannot confirm now what kind of people they are… if forces or civilians,” Murkomen told reporters.

Mandera governor Mohamed Adan Khalif raised the alarm over the presence of Somali fighters last week, saying that it compromised national sovereignty, and locals held a protest over the issue on Tuesday.

Opposition politicians in Kenya have criticized President William Ruto’s silence and called for action to expel the forces.

Kenya has troops in Jubaland — a lush, relatively prosperous part of Somalia — as a buffer against the Islamist insurgent group Al-Shabab, which has staged several bloody attacks on Kenyan territory.

Jubaland’s regional president Ahmed Madobe — a political ally of Nairobi — faces opposition from Mogadishu, which has refused to recognize his administration. 

Source Hiiraan  Online

 

Mareykanka oo xoojinaya taageerada Soomaaliya .

Khamiis 4 Sep 2025 {HMC} Ka dib kulan saacado qaatay oo ay Muqdisho ku yeesheen Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud iyo Taliyaha cusub ee Ciidanka Maraykanka ee Afrika (AFRICOM), Gen. Dagvin R.M. Anderson ayaa lagu go’aamiyay kordhiyo taageerada la siiyo Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliyeed iyo Duqeynaha ka dhanka ah AS iyo Daacish.

Sidoo kale, waxaa labada dhinac ay ka wada hadleen Xaaladda gobolka gaar ahaan sidii looga hortagi lahaa khataraha amniga iyo in dambiilayaasha ay isku gudbaan dalalka Geeska Afrika.

Taliyaha AFRICOM ayaa Madaxweynaha siiyay warbixin la xiriirta qorshahiisa dagaalka AS iyo sida uu kaalin uga qaadan karo dadaallada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya dib ugu dhiseyso Ciidanka Qalabka Sida.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku bogaadiyay Taliska AFRICOM taageeradooda dib u habeynta amniga Soomaaliya, isaga oo caddeeyay in dowladdiisu ka go’an tahay sii wadista iskaashiga caalamiga ah si loo xaqiijiyo nabad iyo xasillooni waarta oo ka hana qaada gobolka.

Mareykanka ayaa kamid ah wadamada Beesha Caalamka ee sida dhow Dowladda Federaalka uga taageera dhinacyada amniga iyo caqabadaha kale ee hor taagan dowladnimada.

Maalmihii la soo dhaafay Taliyaha cusub ee Ciidanka Maraykanka ee Afrika (AFRICOM), Gen. Dagvin R.M. Anderson ayaa safaro ku marayay qaar kamid ah dalalka Afrika, gaar ahaan kuwa ay ku sugan yihiin Askarta Mareykanka.

Webi ku yaalla Nigeria Dad badan oo ku dhinten dooni kula degtay

Khamiis 4 Sep 2025 {HMC} Ugu yaraan 60 qof ayaa ku dhintay, tiro kalena waa la soo badbaadiyey kadib markii doon ay saarnaayeen in ka badan 100 qof ay ku degtay gobolka Niger ee woqooyi-bartamaha Nigeria, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta deegaanka.

Doonida ayaa ka baxday tuulada Tungan Sule ee degmada Malale maalintii Talaadada, iyadoo ku sii jeeday tuulada Dugga ee harada Kainji.

Sida ay ku warrantay Hay’adda Maareynta Masiibooyinka ee Gobolka Niger, shilka ayaa yimid kadib markii doonta ay ku dhacday geed ku hoos jiray biyaha agagaarka deegaanka Gausawa ee degmada Borgu.

Hay’adda ayaa sheegtay in sababaha keentay shilka loo aaneynayo culayska xad-dhaafka ah iyo isku dhaca doonta iyo geedka biyaha hoostiisa yaallay.

Hay’addu waxay intaas ku dartay in doonta ay saarnaayeen dad ay kamid yihiin haween iyo carruur u socday magaalada Dugga si ay uga qeyb galaan tacsi.

Guddoomiyaha degmada Borgu, Cabdullahi Baba Ara ayaa sheegay in tirada dhimashada ay sii kordhayso, islamarkaana howlaha samatabbixinta ay socdaan si loo helo dadka weli maqan.

“Dhimashadu waxay gaartay 60 qof,” ayuu u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.

Shilalka Doonyaha ayaa ku badan dalka Nigeria, iyadoo dadka intoo badan ay si xad dhaaf u raacaan doonta lana saaro rar ka badan inta loogu talagalay.

Soomaaliya oo dalal badan kaga hormartay dhinaca Amniga

Khamiis 4 Sep 2025 {HMC} Warbixinta sanadka 2025 ay soo saartay Hay’adda qiimeysa Amniga Caalamka ee Global Peace Index (GPI) ayaa muujisay in Soomaaliya ay horumar samaysay marka loo eego qiimeyntii sanadihii hore, iyadoo hadda ku jirta kaalinta 151-aad ee dalalka dunida ugu amniga wanaagsan.

Soomaaliya ayaa sanadkasta liiska dalalka ugu amniga wanaagsan kor uga soo kaceysay tirooyinka hoose, tillaabadaasi oo lagu sababeeyay howlaha ay Dowladda Federaalka ka qabatay amniga gudaha dalka.

Tusaale ahaa sannadkii 2023, Soomaaliya ayaa ku jirtay booska 156-aad, halka sanadkii xigay 2024 ay soo gashay kaalinta 153 aad.

Inkastoo ay weli ku jirto liiska dalalka ugu hooseeya ee amniga, ayaa haddana waxaa muuqda in horumar jiro. Dalalka ay Soomaaliya ka horreyso dhinaca amniga ayaa Warbixinta xustay in ay kamid yihiin Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Wasaaradda Gaashaandhigga, ayaa soo dhoweysay warbixinta, iyadoo tilmaamtay in guusha ay ku timid dib u habeyn ay ku sameeyeen amniga guud ee dalka, gaar ahaan dagaalka AS.

Wasaaraddu waxay intaas ku dartay in dowladda ay sii wadi doonto dadaallada lagu xaqiijinayo amni iyo xasilloon, iyadoo kaashaneysa ciidanka, shacabka iyo saaxiibada caalamiga.

Warbixinta GPI 2025 ayaa sidoo kale muujisay in dalal kale oo gobolka ku yaalla ay isbedello sameeyeen; Itoobiya waxaa ay kor u kacday shan boos (138-aad), halka Koonfurta Suudaan iyo Sudan ay iyaguna muujiyeen horumar kooban.

600 Soomaali gaareysa ayaa sanadkan ka dalbanaya Austria magangalyo.

Khamiis 4 Sep 2025 {HMC} Iyadoo dalalka Yurub ay qaarkood bilaabeen inay dib u celiyaan Soomaalida ayaa markii ugu horeysay muddo 20 sano ah dowladda Austria waxay dalkeeda ka masaafurisay labo nin oo ka soo jeeda Soomaaliya sida ay sheegtay wasaarada arrimaha gudaha dalkaasi. Labada nin ayaa laga dajiyay magaalada Muqdisho iyadoo la sheegay in ay la midoobeen qoysaskooda.

Xafiiska wasiirka arrimaha gudaha ayaa u sheegay wakaalada wararka ee APA in labada nin ay ahaayeen rag Austria dambiyo ka galay oo la xukumay, sidaa darteedna ay tahay in dalkooda dib loogu celiyo.

Sidoo kale waxaa la sheegay in ay ku lug lahaayeen dambiyo la xiriira maandooriyaha.

Soomaali 600 gaareysa ayaa sanadkan dalbaday magangalyo

Soomaalida ayaa la sheegaa in ay soo galeen kaalinta saddexaad dadka magangalyada ka doonaya Austria toddobadii bilood ee ugu horreeyay sanadkan 2025.

Tiro gaareysa 648 qof ayaa u gudbiyay xafiiska magangalyo-doonka dalka codsiyo ay ku doonayaan magangalyo. Heerka aqbalaada sanadkan ayaa la sheegay in ay aheyd 44 boqolkiiba.

Soomaali tiradoodu gaareyso 463 ayaa la siiyay magangalyo. Intaa waxaa dheer in tiro kale oo gaareysa 334 loo ogolaaday in ay dalka joogaan iyadoo loo eegay haddii la celiyo in ay dhibaato la kulmayaan.

Sidoo kale waxaa sharciga deganaashaha bani’aadannimo la siiyay Soomaali kale oo 12 qof ah si ay dalka u sii joogaan.

Soomaaliya waxaa loo arkaa mid ka mid ah dalalka qaaradda Afrika ee tobannaanka sano ay ka jirtay xasilooni darro.

Wasiirka arrimaha gudaha Austria Gerhard Karner iyo dhigiisa Jarmalka Alexander Dobrindt ayaa shalay ka hadlay sidii dad badan looga celin lahaa mustaqbalka Austria iyo Jarmalka loona geyn lahaa dalalkooda.

Senator Ali Roba: Ciidamada Jubbaland waxay khatar ku yihiin Mandera.

Khamiis 4 Sep 2025 {HMC} Senator-ka Mandera, Ali Roba, ayaa sheegay in magaalada Mandera ay soo galeen ciidamo ka tirsan Jubbaland, taas oo uu ku tilmaamay khatar toos ah oo ka dhan ah madaxbannaanida Kenya iyo badbaadada dadka deegaanka.

Roba ayaa sheegay in xaaladdu ay ka sii darayso, iyadoo iskuullo badan la xiray, ganacsiyadu istaageen, qoysasna barakaceen, halka Jubbaland iyo ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ay hub urursanayaan oo dagaal isu diyaarinayaan.

“Ciidamada Jubaland waxay si toos ah ula wareegeen magaalada Mandera. Tani waxay meel ka dhac ku tahay madaxbannaanideenna ah,” ayuu yiri Roba.

Senator-ku waxa uu dowladda ku eedeeyay dayac iyo khiyaano, isagoo sheegay in la oggolaaday in ciidamo shisheeye ku sugan yihiin gudaha Kenya. Waxa uu ku digay in haddii dowladdu tallaabo degdeg ah qaadi weydo, dadka deegaanka ay qasban doonaan inay is-abaabulaan si ay naftooda iyo hantidooda u difaacaan.

“Waa in lagu dagaallamo dhulkooda, ee ma aha waddooyinka Mandera,” ayuu raaciyay.

Hadalka Roba ayaa yimid kaddib markii Wasiirka Arrimaha Gudaha, Kipchumba Murkomen, uu ku adkeeyay in aanay jirin ciidamo Jubaland oo Mandera jooga, isla markaana amniga ay gacanta ku hayaan hay’adaha Kenya.

Wuxuu sheegay in dhaqdhaqaaqyada xadka ay sabab u yihiin dad shacab ah oo ka soo barakacaya dagaallada Soomaaliya.

Xiisaddan ayaa kicisay mudaharaadyo ka dhacay tuulooyin ku yaalla xadka. Hoggaamiyeyaal kale oo ay ku jiraan masuuliyiin hore ayaa sidoo kale ku baaqay in dowladdu si degdeg ah arrintan uga jawaabto, iyagoo ka digay in joogitaanka ciidamo shisheeye uu dhaawacayo madaxbannaanida Kenya.

 

{DAAWO MUQAALKA} FALAQEEYNTA- Ciidamo Farabadan oo La Wareegay Garoonka Diyaaradaha Jowhar iyo Xiisad…

0

Arbaco 3, Sep 2025 {HMC} FALAQEEYNTA- Ciidamo Farabadan oo La Wareegay Garoonka Diyaaradaha Jowhar iyo Xiisad…

 HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay Howlgal lagu dilay Madax ka tirsan AS.

0

Arbaco 3, Sep 2025 {HMC} Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay Howlgal lagu dilay Madax ka tirsan AS.

 HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Maxuu Kusoo dhamaaday Kulan ay Yeesheyn Gudiga Joogtada ee Barlamaanka Soomaaliya.?

0

Arbaco 3, Sep 2025 {HMC} Maxuu Kusoo dhamaaday Kulan ay Yeesheyn Gudiga Joogtada ee Barlamaanka Soomaaliya.?

 HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Maxuu Kusoo dhamaaday Kulan ay Yeesheyn Gudiga Joogtada ee Barlamaanka Soomaaliya.?

0

Arbaco 3, Sep 2025 {HMC} Maxuu Kusoo dhamaaday Kulan ay Yeesheyn Gudiga Joogtada ee Barlamaanka Soomaaliya.?

 HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WARBIXINTA