Home Blog Page 622

Muungaab oo beeniyay eedeymaha sheegaya in dadka lagu khasbay isdiiwaangelinta doorashada,

Isniin, 18 August 2025 {HMC}Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa si adag u beeniyay eedeymaha sheegaya in shacabka lagu qasbay inay isdiiwaangeliyaan si ay uga qayb qaataan doorashooyinka deegaanka ee soo socda, isaga oo sheegay in habka isdiiwaangelintu uu ahaa mid si xor ah oo ay dadku si iskood ah ugu qayb qaateen.

Muungaab oo Axaddii ka hadlayay munaasabad rasmi ah oo ka dhacday caasimadda, ayaa sheegay in ku dhawaad hal milyan oo qof ay isdiiwaangeliyeen, isaga oo carabka ku dhuftay in aysan jirin wax kiis ah oo la xiriira qof la khasbay.

“Waxaan rabaa inaan si cad u sheego qofna looma khasbin inuu isdiiwaangeliyo,” ayuu yiri duqa. “Shacabka Muqdisho iyaga ayaa siiskood ah u yimid, iyaga oo diyaar u ah inay doorashadooda ka qayb qaataan. Tani waa astaan muujinaysa horumar dimuqraadiyadeed.”

Hadalka Muungaab ayaa jawaab u ahaa eedeymo uga yimid qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka iyo shacabka, kuwaas oo sheegay in ciidamada ammaanka la geeyay qaybo ka mid ah magaalada si ay cadaadis ugu saaraan dadweynaha inay isdiiwaangeliyaan iyadoo la sheegay in xitaa gaadiidka dadweynaha la joojiyay laguna khasbay dadka in la geeyo xarumaha isdiiwaangelinta.

Muungaab wuxuu eedeymahaas ku tilmaamay kuwo “siyaasadaysan” oo loogu talagalay in lagu wiiqo kalsoonida shacabka ee geedi-socodka doorasho ee hufan.

Trump told Norwegian minister he wants Nobel Prize, newspaper says

Monday August 18, 2025 {HMC}  When U.S. President Donald Trump called Norway’s finance minister last month to discuss tariffs, he also told him he wanted the Nobel Peace Prize, Norwegian business daily Dagens Naeringsliv reported on Thursday.

Several countries including Israel, Pakistan and Cambodia have nominated Trump for brokering peace agreements or ceasefires, and he has said he deserves the Norwegian-bestowed accolade that four White House predecessors received.

“Out of the blue, while Finance Minister Jens Stoltenberg was walking down the street in Oslo, Donald Trump called,” Dagens Naeringsliv reported, citing unnamed sources.
“He wanted the Nobel Prize – and to discuss tariffs.”

In a comment to Reuters, Stoltenberg said the call was to discuss tariffs and economic cooperation ahead of Trump’s call with Norwegian Prime Minister Jonas Stoere. “I will not go into further detail about the content of the conversation,” he added.

Several White House officials, including U.S. Treasury Secretary Scott Bessent and U.S. Trade Representative Jamieson Greer were on the call, Stoltenberg added.

The White House and the Norwegian Nobel Committee did not reply to requests for comment.

With hundreds of candidates nominated each year, laureates are chosen by the Norwegian Nobel Committee, whose five members are appointed by Norway’s parliament according to the will of Swedish 19th-century industrialist Alfred Nobel.

The announcement comes in October in Oslo.

The Norwegian newspaper said it was not the first time Trump had brought up the prize in conversation with Stoltenberg, a former secretary general of the NATO military alliance.

The White House on July 31 announced a 15% tariff on imports from Norway, the same as the European Union.

Stoltenberg said on Wednesday that Norway and the United States were still in talks regarding the tariffs.

Reporting by Nerijus Adomaitis; Editing by Andrew Cawthorne and Rod Nickel

{DAAWO MUQAALKA} Xubno ka tirsan AS oo isku dhiibay Ciidamada Dowlada.

0

isniin 18 Aug 2025{HMC} Xubno ka tirsan AS oo isku dhiibay Ciidamada Dowlada.

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Ciidanka Dowladda oo AS kala Wareegay Deegaano Cusub.

0

isniin 18 Aug 2025{HMC} Ciidanka Dowladda oo AS kala Wareegay Deegaano Cusub.

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Xasan Shiikh oo Labo qodob u tagayo Dhuusamareeb.

0

isniin 18 Aug 2025{HMC} Madaxweyne Xasan Shiikh oo Labo qodob u tagayo Dhuusamareeb.

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Maxaa Looga Hadlayaa Kulankii ugu horeeyey ee Xildhibaanada Cusub ee Maamul Goboleedka Waqooyi-Bari?

0

isniin 18 Aug 2025{HMC} Maxaa Looga Hadlayaa Kulankii ugu horeeyey ee Xildhibaanada Cusub ee Maamul Goboleedka Waqooyi-Bari?

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Dowlada Soomaaliya oo Ciidankii ugu badnaa ka Qoratay Gedo.

0

isniin 18 Aug 2025{HMC} Dowlada Soomaaliya oo Ciidankii ugu badnaa ka Qoratay Gedo.

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

Raisul wasaaraha ingiriiska oo qeeyb ka ah wada hadalada mareeykanka Ukraine.

Isniin, 18 August 2025 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Boqortooyada Ingiriiska Sir Keir Starmer ayaa la xaqiijiyay in uu qayb ka yahay wadahadalka maanta Aqalka Cad ku dhexmaraya Madaxweyneyaasha Maraykanka Donald Trump iyo Ukraine Volodymyr Zelensky ee looga hadlayo colaadda Ruushka.

Afhayeen u hadlay Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska ayaa sheegay in sababta Britain ay qaybta uga noqoneyso kulankaan ay tahay kaddib markii Madaxweynaha Ukraine Volodymyr uu diiday go’aanka Donald Trump ee dhulkiisa qayb kamid ah looga siinayo Ruushka.

Xubno kale oo katirsan Madaxda reer Yurub sida Faransiiska, Jarmalka iyo ururka ay ku mideysan yihiin ee EU ayaa kulankaan kasoo muuqan doonnaa maadaama Madaxweynaha Ukraine uu u muuqdo in uu u dad badsaday culeyska la saarayo.

Ruushka ayaa ku qanacsan in uu qaato qayb kamid ah dhulka Ukraine oo haatan gacanta ku hayo, halka Kyiv ay diidan tahay in taako kamid ah dhulkeeda ay marto dhinaca Moscow balse Madaxweynaha Maraykanka oo arrintaan farageliyay ayaa niyad jabiyay MW Zelensky.

Madaxweynaha Burkiina faaso oo Mushaarkiisa siiyey Caruurta Agoonta ah.

Isniin, 18 August 2025 {HMC} Madaxweynaha Burkina Faso Ibrahim Traore ayaa mushaarkiisa ugu deeqay Agoonta iyo Carruurta darbi-jiifka ah si ay helaan mustaqbal wanaagsan oo dhanka Waxbarashada ah sida lagu yiri war kasoo baxay Madaxtooyadiisa.

Troare ayaa la kulmay qaar kamid ah carruurtaas iyo ehelkooda isaga oo dhageystay warbixin kooban oo xaaladdooda la xiriirta, kaddib waxa uu ku dhawaaqay go’aanka ah in uu mushaarkiisa ku bixiyo sidii ay u heli lahaayeen nolol ka wanaagsan tan hadda ay ku nool yihiin.

Hoggaamiyaha Burkina Faso oo ay la socdeen mas’uuliyiin katirsan Xukuumaddiisa ayaa sheegay in Dowladda ay qaadaneyso waajibka ka saaran daryeelka Aqoonta iyo kuwa dayacan ee darbi-jiifka ah oo mas’uuliyad weyn ka saaran tahay.

Dalka Burkina Faso waxa uu dhacaa Galbeedka Qaaradda Afrika, dadka dalkaas waxaa lagu qiyaasaa 23.55 Milyan oo ruux sida ku xusan baarista uu sameeyay bangiga Adduunka sanadkii (2024), qaar kamid ah dadkaas ma heystaan dhaqaale ku filan.

Malleeshiyada M23 OO Hishiis la galeeyso Dowladda Koongo.

Isniin, 18 August 2025 {HMC} Afhayeen u hadlay fallaagada M23 ayaa BBC-da u sheegay in ay in ay diyaar u yihiin nabad waarta haddii ay tani dhacdo ka hor inta aan la gaadhin waqtiga loo qabtay 18-ka August 2025oo lagu wado in heshiis nabadeed uu dhex maro Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo iyo kooxda M23.

 

Oscar Balinda ayaa sheegay in kooxdu ay hore u qaadday tallaabo nabadeed oo ay doonayso in ay la gaadho dawladda DR Congo una gudbisay dalka Qatar oo ah dhexdhexaadiyaha hoggaaminaya geeddi-socodka nabadda ee Dooxa.

 

“Wax walba oo na looga baahnaa waan samaynnay, hadda waxaan ka sugaynaa dawladda in ay wax ka qabato si xal loo gaadho” ayuu yidhi.