Home Blog Page 694

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweynaha Puntland Oo gaaray Dakada Boosaaso iyo markabkii hubka waday oo soo gaaray.

0

Sabti , 19 July 2025 {HMC }  Madaxweynaha Puntland Oo gaaray Dakada Boosaaso iyo markabkii hubka waday oo soo gaaray.

HOOS KA DAAWO MUUQALKA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Maamulka Puntland oo War kasoo Saaray Markabkii la Qabtay

0

Sabti , 19 July 2025 {HMC } Maamulka Puntland oo War kasoo Saaray Markabkii la Qabtay

HOOS KA DAAWO MUUQALKA

 

Wasiir Fiqi oo ka qeyb galay shirka Wasiirrada Gaashaandhigga ee ka socda Muqdisho

Sabdi, 19 Jully 2025 {HMC} –Waxaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho Shirka 34-aad ee Wasiirrada Gaashaandhigga dalalka xubnaha ka ah Ciidanka Heeganka Afrikada Bari (Eastern Africa Standby Force – EASF), iyadoo ay kasoo qeyb galeen wasiirro, saraakiil ciidan iyo wakiillo ka socday dalalka xubnaha ka ah ururkan.

Shirka ayaa waxaa furay Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi, kaas oo sheegay in Soomaaliya ay ku rajo weyn tahay in la hirgeliyo himilooyinkii loo aas-aasay EASF, isagoo xusay doorka muhiimka ah ee ay dalalka gobolka ku leeyihiin adkeynta amniga iyo xasilloonida gobolka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

“Shirkan wuxuu ku soo beegmay xilli xasaasi ah oo gobolkan uu wajahayo caqabado badan iyo khataro amni oo halis ku ah nabadda iyo xasilloonida. Waxaan ku boorrinayaa in iskaashi buuxa laga yeesho sidii looga hortagi lahaa dhibaatooyinkaasi,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Wasiirka ayaa sidoo kale si gaar ah u xusay taageerada ay dalalka xubnaha ka ah EASF u muujiyeen Soomaaliya, isagoo uga mahadceliyay dadaalkooda ku aaddan la dagaalanka kooxaha xagjirka ah iyo taageerada amni ee ay siiyaan dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi ayaa ka gaabsaday in uu ka hadlo arrinta markabkii hubka siday ay qabatay Puntland, taas oo dhalisay su’aalo badan oo ku saabsan xiriirka dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada.

Shirka ayaa la filayaa in la soo gaba-gabeeyo, iyadoo laga soo saari doono war-murtiyeed rasmi ah oo lagu xoojinayo iskaashiga amni ee gobolka.

{DAAWO MUUQAALKA} Wasaaradda Ganacsiga Soomaaaliyeed oo Ganacsatada uga digtay inay dhaqaale siiyaan AS.

0

Sabti , 19 July 2025 {HMC } Wasaaradda Ganacsiga Soomaaaliyeed oo Ganacsatada uga digtay inay dhaqaale siiyaan AS.

HOOS KA DAAWO MUUQALKA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Suuriya iyo Israa’iil oo gaadhay heshiis xabbad-joojin ah oo uu Maraykanku fududeeyay

0

Sabti , 19 July 2025 {HMC }Suuriya iyo Israa’iil oo gaadhay heshiis xabbad-joojin ah oo uu Maraykanku fududeeyay

HOOS KA DAAWO MUUQALKA

 

Somalia, Ethiopia hold review meeting in Addis Ababa to deepen bilateral ties.

0

Saturday July 19 {HMC}  Somalia and Ethiopia opened a high-level technical review meeting Friday in Addis Ababa to assess progress on agreements made during their inaugural Joint Ministerial Committee meeting held earlier in Mogadishu.

The talks bring together officials from both governments, with the Somali delegation led by the Director General for East African Social Affairs. The meeting is focused on evaluating how far both countries have come in implementing joint commitments and identifying areas that require further action.

Key points of discussion include strengthening cooperation between the Somali and Ethiopian people, expanding trade and economic partnerships, and building momentum toward more integrated bilateral relations.
The review is seen as a critical step in the ongoing effort by both governments to turn diplomatic pledges into practical outcomes. It underscores their shared intention to build lasting stability and prosperity in the region.

The renewed talks come after both nations agreed to fully restore diplomatic ties and address longstanding tensions over Ethiopia’s quest for sea access—particularly through a proposed port in Somaliland. Relations had soured following a controversial port agreement between Ethiopia and Somaliland, which Somalia condemned as a violation of its sovereignty.

A breakthrough deal, brokered by Turkey, helped ease tensions and set the stage for a new chapter in Somali-Ethiopian relations. The agreement includes plans to strengthen cooperation in infrastructure, trade, and investment as part of broader efforts to stabilize the Horn of Africa.

Source Hiiraan online

Shir udhaxeeyo Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka Furmay Addis Ababa.

0

Sabdi, 19 Jully 2025 {HMC}  Waxaa si rasmi ah magaalada Addis Ababa uga furmay shir dib-u-eegis dhexe ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, kaasi oo ujeeddadiisu tahay in lagu qiimeeyo heerka uu marayo fulinta heshiisyadii labada dal ku kala saxiixdeen shirkii hore ee Guddiga Wasiirrada Wadajirka ah ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

Shirkan oo ka socda Hotel Hilton ayaa waxaa isugu yimid mas’uuliyiin sare oo ka kala socda labada dal, iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya uu shirkan uga qeybgalayo wafdi uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Arrimaha Bulshada Bariga Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Maxamed Isaaq Fatiir.

Agaasimaha ayaa sheegay in shirkan uu xooga saarayo xoojinta xiriirka ka dhexeeya shacabka labada dal, kobcinta ganacsiga iyo dhaqaalaha, horumarinta waxbarashada, caafimaadka, xirfadaha dhalinyarada, iyo iskaashiga la xiriira sugidda amniga iyo wadajirka gobolka.

“Wadahadalladan waxay diiradda saari doonaan sidii loo dardargelin lahaa iskaashiga dhabta ah ee labada shacab, Waxaan eegaynaa mustaqbalka guud ee labada dal oo ku saleysan rajo, horumar iyo nabad,” ayuu yiri Agaasime Fatiir.

Dhinaca Itoobiya waxaa shirka furay Agaasimaha Guud ee Arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Zerihun Abebe, oo sheegay in shirkan uu fure u yahay wajiga labaad ee iskaashi wax ku ool ah oo dhex mara labada dowladood.

Waxa uu carrabka ku adkeeyay in labada dal ay ka wada hadlayaan fursado cusub oo ay ka mid yihiin ganacsiga, waxbarashada, caafimaadka, shaqo abuurka, xirfadaha dhalinyarada, iyo duulimaadyada rayidka, Shirkaan ayaa si qoto dheer u lafaguraya qodobo dhowr ah oo saldhig u ah wada-shaqeynta labada dhinac, sida: Siyaasadda iyo Amniga, Ganacsiga iyo Maalgashiga, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Warbaahinta iyo Is-dhexgalka bulshada, Waxbarashada iyo Caafimaadka iyo Adeegyada Duulista iyo Hawada.

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu waa weeyn Soomaaliya iyo caalamka 19 07 2025

0

Sabti , 19 July 2025 {HMC } Wararka Ugu Waa Weeyn Soomaaliya iyo caalamka 19/07/2025

HOOS KA DAAWO MUUQALKA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Xog Cusub oo laga helay Markabkii Hubka siday ee Boosaaso Gaaray

0

 

Sabti , 19 July 2025 {HMC }Xog Cusub oo laga helay Markabkii Hubka siday ee Boosaaso Gaaray

 

HOOS KA DAAWO MUUQALKA

Kumaandooska Danab oo howlgal Ku dilay horjoogayaal ka tirsan AS

Sabdi, 19 Jully 2025 {HMC – Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed,  gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Harboole ee gobolka Jubbada Hoose.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu bartilmaameydsaday horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo ku sugnaa deegaanka Harboole.

Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa Warsaxafadeedka ku sheegtay in howlgalka in khasaare dhimasho iyo dhaawaca leh lagu gaarsiiyay saraakiil sar sare iyo xubno ka tirsan maleeshiyaadka kooxda Al-shabaab.

Si kastaba ha ahaatee Warsaxafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga laguma shaacin magacyada saraakiisha sar sare ee lagu dilay howlgalka iyo tirada guud ee rasmiga ah ee kooxda looga dilay, hayeeshe waxaa qoraalka Wasaaradda lagu xusay in dib laga soo faahfaahin doono khasaaraha dhabta ah.

Ugu dambeyntii maalmihii la soo dhaafay ciidanka xoogga dalka ayaa si weyn u kordhiyay howlgalada ka dhan ah Al-shbaab ee ka socday gobolada dalka, gaar ahaan gobolada ku yaala deegaanada maamulada Jubbaland, Koonfur Galbeed,  iyo Hirshabeelle.

Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka Wasaaradda Gaashaandhigga oo dhameystiran: