Saturday, April 27, 2024
spot_imgspot_img

bankigii ugu horreeyay ee ribo la’aan ah oo laga furay Uganda

Thursday -28-March-2024 {HMC} Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray bankigii ugu horreeyay abid oo ribo la’aan ah oo dalkaasi laga furo.

Salaam Bank Limited, oo laga leeyahay dalka Jabuuti, waa kii ugu horreeyay ee adeeg banki oo Islaami ah ka bixinaya dalkaas.

Mr Museveni ayaa sheegay in bankigan uu gacan ka geysanayo horumarka dalka uuna soo jiidan doono maalgashadayaal Muslimiin ah.

Bishii September sanadkii hore, Salaam bank ayaa la siiyay shatigii ugu horreeyay kaddib markii baarlamaanka Uganda uu meel mariyay sharciga oggolaanaya adeegyada banki ee Islaamiga ah.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {27-04-2024}

Sabti -27-April-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo:Yaasiin Ali Ahmed farsamadii :Mohamed Baryare...

{DAAWO MUQAALKA} Beeraleyda qaadka Kenya oo Muqdisho yimid sheegayna arrin yaab leh oo ay rabaan

Sabti -27-April-2024 {HMC} Beeraleyda qaadka Kenya oo Muqdisho yimid sheegayna arrin yaab leh oo ay rabaan HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/kEXArUNODmw

WARARKA