Saturday, May 4, 2024
spot_imgspot_img

Mareykanka oo Xiray mudaaharaadayaal Kasoo Horjeedo Xasuuqa Gaza

Khamiis -25-Apr-2024 {HMC}  Booliiska ayaa xiray boqolaal kale oo mudaaharaadayaal ah guud ahaan Mareykanka, iyadoo mudaaharaadyada looga soo horjeedo dagaalka Gaza ay sii xoogeysanayaan guud ahaan xarumaha jaamacadaha.

Ilaa 108 qof ayaa lagu xiray kulliyadda Emerson,sida ay booliska Boston u sheegeen laanta Mareykanka ee CBS News.

Hadda ka hor, 93 qof ka tirsan Jaamacadda Southern California (USC) ee Los Angeles ayaa xabsiga loo taxaabay iyaga oo lagu eedeeyay inay xad-gudbeen.

Mudaaharaadayaasha iyo booliiska ayaa sidoo kale isku dhacay jaamacadda Texas ee Austin.

Maamulka ayaa sheegay in sidoo kale 34 qof lagu xiray halkaas.

Jaamacadaha Maraykanka ayaa arkay tiro sii kordhaysa oo arday ah oo ka baxaya fasalka ama isku dayaya in ay samaystaan ​​xeryo ay kaga mudaaharaadaan ololaha milatari ee Israel ka wado Qaza.

Xarigga ugu dambeeyay wuxuu daba socdaa kuwa kale ee Columbia, Yale iyo Jaamacadda New York.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {04-05-2024}

Sabti 4, May 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ;Yaasiin Ali...

{DAAWO MUUQAALKA} Dowladda ma amrin in meydadka laga saaro iskuul Buluusiya””Taliska Booliska

Sabti-4-May-2024 {HMC} Dowladda ma amrin in meydadka laga saaro iskuul Buluusiya""Taliska Booliska HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/QyOJvEC1pNI

WARARKA