Saturday, April 27, 2024
spot_imgspot_img

Guddoomiya xisbiga UCID oo cambaareeyay mawqifka dowlada Jabuuti ee isfahamka Somaliland iyo Itoobiya

Thursday -28-March-2024 {HMC} Guddoomiya xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa cambaareeyay mawqifka ay dowlada Jabuuti kaga soo horjeedsatay isfahamka Somaliland iyo Itoobiya.

Guddoomiya ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa x twitter Asigoona ku tilmaamay doqonimo hadal uu Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf kaga soo horjeestay isfahamka Somaliland iyo Itoobiya.

“Waa hadalkii ugu doqoniimada badnaa ee wasiir arrimo dibadeed kasoo yeedha, dowlada Jabuuti madaxbannaanida Somaliland meel ka xun Soomaaliya ayay ka taagantahay ilaa markii Somaliland ay madaxbannaanideeda lasoo noqotay” ayuu yidhi Guddomiye Waraabe.

Wasiir Yuusuf oo waraysi kooban siiya warbaahinta, ayaa sheegay in dowlada Jabuuti ay taageersantahay madaxbannaanida Soomaaliya, isla markaana anay aqbalayn in Somaliland ay Soomaaliya ka godo.

Wasiirka ayaa sheegay in Jabuuti ay ku dadaalayso in laysku soo dhaweeyo Soomaaliya iyo Itoobiya, oo aanu xidhiidhkoodu fiicnayn tan iyo markii Somaliland iyo Itoobiya ay gaadheen isfahamka heshiiska badda.

Somaliland iyo Itoobiya ayaa bilowgii sannadkan gaadhay heshiis dhigaya in Somaliland ay Itoobiya ka kirayso 20 kilo mitir oo Badda Cas ah, oo ay Itoobiya saldhig ciidan ku yeelanayso, Itoobiyana ay Somaliland aqoonsato.

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 27-04-2024

KhAMIIS April 27, 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn. Warka waxaa soo jeedinayo ::Yaasiiin Cali...

{DAAWO MUQAALKA} Gogosha nabadeed ee aan wadno yaan la legdin, Cidii dagaal rabta Cali Jeyte ayaa jooga”Sanbaloolshe

Sabti -27-April-2024 {HMC} Gogosha nabadeed ee aan wadno yaan la legdin, Cidii dagaal rabta Cali Jeyte ayaa jooga''Sanbaloolshe HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/V19o2Jo6Zlw

WARARKA