Thursday, May 9, 2024
spot_imgspot_img

Boqolaal Ka Tirsanaa AS oo Doowlada Isku Dhiibay

Sabti -27-April-2024 {HMC} War-saxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay ay soo dhaweynayaan maleeshiyaadka iyo horjoogayaasha ka soo baxaya safka Al Shabaab ee isku soo dhiibaya dowladda, kaddib markii Madaxweynaha Soomaaliya uu cafis u fidiyay qof kasta oo ay qaldeen cadowga oo doonaya in uu dadkiisa si nabad ah ugu laabto.

Dowladda ayaa sheegtay in toddobaadyadii ugu dambeeyay boqol maleeshiyaad iyo horjoogayaal isugu jira oo muddo dheer ka tirsanaa Al Shabaab ayaa iska soo dhiibay deegaannada Galmudug, Hirshabeelle, Koofur Galbeed, Jubbaland iyo Muqdisho, kuwaas oo soo dhaweyn iyo daryeel ka helay dowladdooda sidoo kalena ka badbaadey shartii ay u diyaarinayeen Khawaarijta.

Warka dowladda ayaa lagu sheegay in ay ku dhiira-gelinayso dhallinyarada ay qaldeen cadowga in ay isku soo dhiibaan dowladooda, sidoo kale dowladdu waxa ay bogaadineysaa kaalinta waalidiinta Soomaaliyeed ay ka qaateen in ay caruurtooda ka soo reebaan Al Shabaab.

{DAAWO MUUQAALKA} Dr Suleymaan Maxamed “Madaxweyne Xasan way ka go’an tahay tayeynta Garsoorka dalka”

Khamiis, 9, May, 2024 {HMC}  Dr Suleymaan Maxamed "Madaxweyne Xasan way ka go’an tahay tayeynta Garsoorka dalka" HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/7Dmvzyk3x5w

{DAAWO MUUQAALKA} FAAH FAAHIN Shil gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay…

Khamiis, 9, May, 2024 {HMC}  FAAH FAAHIN Shil gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay... HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/onf2HZSvW2g

WARARKA