Saturday, April 27, 2024
spot_imgspot_img

Madaxweynaha Turkey oo bisha May booqanaya Aqalka Cad ee Mareykanka

Jimco-29-March-2024 {HMC} WASHINGTON — Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa booqan doona Mareykanka 9-ka May, waxaa sidaas maanta sheegay sarkaal Turkish ah, taasi oo dhabbaha u xaareysa kulankii ugu horreeyey ee uu ku yeesho Aqalka Cad ee xilliga maamulka Biden.

Booqashada Washington ayaa noqonaysa tii ugu horreysay ee Erdogan tan iyo sannadkii 2019-kii markaasi oo uu la kulmay madaxweynihii xilligaas ee Donald Trump, oo ay lahaayeen xiriir wanaagsan.

Tan iyo doorashadii madaxweyne Joe Biden ee 2020, Ankara waxay raadineysay kulan kale oo fool ka fool ah.

Xiriirka labadan dal ee ka wada tirsan xulafada NATO, oo in muddo ah isku khilaafsanaa arrimo kala duwan, ayaa soo hagaagayey tan iyo markii Ankara ay bishii Janaayo ogolaatay xubinnimada Sweden ee NATO, kadib 20 bil oo dib u dhac ah oo niyad jab ku keenay Washington.

Si kastaba, xiisadda ayaa weli sii jirta, oo ay qeyb ka tahay waqooyiga Suuriya, halkaas oo ciidammada Maraykanku ay xulafo la yihiin dagaalyahannada Kurdiyiinta ee Ankara ay u aragto argagixiso.

Washington ayaa sidoo kale ku cadaadisay Ankara inay wax badan ka qabato sidii loo joojin lahaa badeecooyinka u socda Ruushka ee ay sheegtay in loo isticmaalo dagaalka Moscow ee Ukraine.

Sarkaalkan ayaan wax faah-faahin oo dheeri ah ka bixin socdaalka, balse waxa uu sheegay in madaxa ugu sarreeya sirdoonka Turkiga Ibraahim Kalin uu la kulmi doono xubno ka tirsan aqalka Congress-ka Maraykanka oo uu kala hadli doono socdaalka la qorsheeyay iyo arrimo kale oo xiriirka labada dhinac ah.

Khamiistii iyo Jimcihii, Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan iyo Wasiirka Difaaca Yasar Guler ayaa sidoo kale la kulmay wafdi Mareykan ah.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Washington ama safaaradda Mareykanka ee Ankara oo ku saabsan booqashada Erdogan.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegay in Biden iyo Erdogan ay sidoo kale u badan tahay inay ka wadahadli doonaan dagaalka Israel iyo Xamaas – iyadoo ay jiraan hadallo kulul oo Erdogan uu ku dhaleeceeyey ficillada Israel.

Biden iyo Erdogan ayaa sidoo kale ka wada-hadli doona iskaashiga difaaca labada dal oo ay ku jirto ansixinta dhowaan Turkiga loogu ogolaaday iibsashada diyaaradaha dagaalka Mareykanka ee F-16.

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 27-04-2024

KhAMIIS April 27, 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn. Warka waxaa soo jeedinayo ::Yaasiiin Cali...

{DAAWO MUQAALKA} Gogosha nabadeed ee aan wadno yaan la legdin, Cidii dagaal rabta Cali Jeyte ayaa jooga”Sanbaloolshe

Sabti -27-April-2024 {HMC} Gogosha nabadeed ee aan wadno yaan la legdin, Cidii dagaal rabta Cali Jeyte ayaa jooga''Sanbaloolshe HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/V19o2Jo6Zlw

WARARKA