Saturday, April 27, 2024
spot_imgspot_img

Sudan: Magaalooyin iyo goobo kale oo si ula kac ah loo gubay sababo dagaal darteed

Jimco-29-March-2024 {HMC}  Koox u dooda xuquuqda aadanaha oo falanqeysa baraha bulshada iyo sawirada dayax gacmeedka ayaa sheegay in in ka badan boqol tuulo oo ku yaala galbeedka Sudan la gubay tan iyo markii uu bilowday dagaalka sokeeye, ee dalkaas ka socday tan iyo sannadkii hore.

Cilmi-baadhayaal ka tirsan xarunta u adkeysiga macluumaadka ayaa sheegay in dabka loo isticmaalay sidii hub dagaal. si ula kac ah guryaha iyo dadkaba loo gubay.

Sidaa darteed, kumannaan qof ayaa laga saaray guryahoodii. Inta badan tuulooyinkaas iyo goobaahaas la gulau ayaa ku yaal gobolka Daarfuur.

Kooxdan ayaa sheegtay in hal magaalo oo lagu magacaabo Misterei si qorshaysan loo gubay, waddo illaa ka waddana dabka la is gaadhsiiyey. Falalkan ayaa badanka lagu eedeeyey malleeshiyaad Carab ah, iyo kooxda sida milleteriga u tababaran ee RSF, inkasta oo ay iska fogeeyeen hawshaas.

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 27-04-2024

KhAMIIS April 27, 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn. Warka waxaa soo jeedinayo ::Yaasiiin Cali...

{DAAWO MUQAALKA} Gogosha nabadeed ee aan wadno yaan la legdin, Cidii dagaal rabta Cali Jeyte ayaa jooga”Sanbaloolshe

Sabti -27-April-2024 {HMC} Gogosha nabadeed ee aan wadno yaan la legdin, Cidii dagaal rabta Cali Jeyte ayaa jooga''Sanbaloolshe HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/V19o2Jo6Zlw

WARARKA