Thursday, May 16, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweeyne Xasan Shiiq oo Ka Qeyb GaLay Shirka Horumarinta Bangiga Adduunka

isniin-29-April-2024 {HMC} Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Nairobi ee dalka Kenya uga qeyb galay shirka 21-aad ee Hay’adda Horumarinta Bangiga Adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo 𝐈𝐃A.

Shirkaan waxa uu ahmiyad gaar ah u leeyahay dowladda Soomaaliya oo dhawaan ka gudubtay heerka deyn cafinta, doonaysana in ay hesho maalgalin caalami ah si sare loogu qaadayo wax soo saarka gudaha, dib-u-habeynta maaliyadda oo qeyb ka qaadan karta kordhinta dhaqaalaha Soomaaliya.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah (IDA) ee hoostagta Bangiga Adduunka, ayaa diiradda saari doona horumarinta iyo maalgashiga qaaradda Afrika sidii loo xoojin lahaa iyada oo loo marayo mashaariic horumarineed oo waaweyn.

Madaxweye Xasan Sheekh ayaa la filayaa in kulamo gaar ah la yeesho madaxda Afrika iyo mas’uuliyiinta ka socda Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah, si loo dardar-geliyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah.

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 16/5/2024

Khamiis-16-May-2024 {HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 16/5/2024 HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/E45ZjX7VNoA

{DAAWO MUUQAALKA} Shir Looga Hadlayay Amaanka oo Lagu qabtay Degmada Aadan yabaal.

Khamiis-16-May-2024 {HMC}  Shir Looga Hadlayay Amaanka oo Lagu qabtay Degmada Aadan yabaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/wrk4WV-aFv8

WARARKA