Home Blog Page 677

Somali Deputy FM Welcomes Newly Appointed AU Official in Mogadishu

Sunday 27, July 2025 {HMC} The Deputy Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, Hon. Isaak Mohamud Mursal, received on Sunday in Mogadishu, the newly appointed Deputy Special Representative of the Chairperson of the African Union Commission (DSRCC) for Somalia and Deputy Head of the African Union Support and Stabilization Mission in Somalia (AUSSOM), Amb. Mouktar Ousman Karie, and discussed with him matters of mutual interest.
During the meeting, the Deputy Foreign Minister, Hon. Isaak Mursal, welcomed Amb. Karie and highlighted the essential role of strengthened collaboration and coordination between Somalia and AUSSOM in supporting the country’s stabilization and peacebuilding objectives.

Wararkii ugu Dambeeyay Xaalada Degmada Maxaas Caawa.

0

Axad 27,July 2025 {HMC} Kooxda AS ayaa Duhurnimadii maanta oo Axad ah si buuxda ula wareegtay gacan ku heynta Degmadda Maxaas ee gobalka Hiiraan wax ka badan 13-Sano ka dib. Dagaal socday in ka badan shansaac oo xiriir ayey kooxda u suurtagashay in lagu arko gudaha magaalada oo shacabkii ku nool goorsiihoreysay ay isaga baxeen.

la wareegista AS ee Maxaas ayaa timid ka dib dagaalo iyo iska hor imaadyo goos goos ah oo tan iyo billowgii todobaadkii ka dhacayay inta u dhaxeysa Degmada Maxaas iyo Magaaada waxbo ee Gobalka Gal-gaduud oo ka mid ah talisyadda waa weyn ee kooxda.

Dagaal ayaa waabirigii hore ee saakay ka billowday deegaanka Ceel-gorof ee hoostaga degmada Maxaas ayaa sababay khasaaro iskugu jiro dhimasho iyo dhaawac kala gaaray dhinacyada wada dagaalay iyadoo kooxda ay sidoo kalle fulisay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.

Maamulka degmadda Maxaas oo la hadlay Hiiraan ayaa sheegay in dagaalka ka dhacay banaanka magaalada ay kooxda kaga dileen ku dhawaad 20- dagaalame oo ka tirsanaa AS. Inkastoo Dowladda soomaaliya iyo taliska ciidanka xooga dalka uusan wali wax war ah kasoo bixin qabsashada Maxaas, haddana xildhibaanada DF ku matala Gobalka Hiiraan ayaa dowladda ku eedeeyay in ay ka gaabisay doorkii laga ee difaaca magaaladaas.

Xaalada Gobalka Hiiraan ayaa aheyd mid colaadeed oo joogta tan markii AS ay la wareegeen Degmadda Aadan yabaal ee Gobalka Shabeeladda dhaxe 16- April ee Sanadkaan.

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay Ra’isul Wasaaraha Itoobiya.

0

Axad 27,July 2025 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka Itoobiya kaga qeyb-galaya Shirweynaha Qaramada Midoobey ee Sugnaanta Cuntada Adduunka ayaa halkaas kulan soo dhaweyn ah kula qaatay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abby Ahmed.

Labada hoggaamiye ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo xaaladda gobolka, waxayna hoosta ka xariiqeen mudnaanta ay leedahay in wadajir looga wada shaqeeyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada oo khatar ku ah jiritaanka iyo horumarka shucuubta Gobolka.

Dowladda Soomaaliya oo War Kasoo Saartay in Wada-hadal U Furmay Mareykanka iyo AS

Axad 27,July 2025 {HMC} Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar, ayaa si cad u beeniyay wararka sheegaya in ay jiraan wadahadallo u dhexeeya Mareykanka iyo ururka AS oo loo aqoonsaday urur argagixiso.

Wasiirka ayaa sheegay in wararkaasi gebi ahaanba aan sal iyo raad lahayn, wuxuuna sheegay in Mareykanku weli mowqifkiisii hore uu ku taagan yahay AS oo ah urur argagixiso ah.

Wuxuu hadalkan ka sheegay wareysi uu siiyay warbaahinta “Al-Araby Al-Jadeed” intii uu ku sugnaa magaalada Doha ee dalka Qatar, halkaas oo uu ku tagay booqasho laba maalmood ah oo uu sheegay inay tahay mid lagu xoojinayo xiriirka istaraatiijiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar.

Dhawaan ayay ahayd markii ay soo shaac baxeen wararka ku saabsan in Mareykanka uu si qarsoodi ah wadahadallo ula galay kooxda AS , taasoo noqon karta isbeddel cusub oo ku saabsan siyaasadda Mareykanka ee Soomaaliya.

Sida uu shaaciyay la-taliye hore oo ka tirsanaa dowladda Mareykanka, arrintan ayaa kordhisay suuragalnimada in xal wadahadal lagu dhameeyo kacdoonka tobannaan sano ka socday Geeska Afrika.

Hamza Warfa, oo horey la-taliye uga ahaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, ayaa sheegay in maamulka Trump uu  bilaabi karo inuu si toos ah ula xiriiro kooxda AS .

 

 

{DAAWO MUUQAALKA} Galmudug ayaa laga qixi doonaa hadii aan Xawaadle la garab istaagin.

0

Axad 27; July 2025 {HMC}  Galmudug ayaa laga qixi doonaa hadii aan Xawaadle la garab istaagin.

 

 

HOOS KA DAAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Toos:.dagaalka Maxaas ka socda

0

Axad 27; July 2025 {HMC}  Toos:.dagaalka Maxaas ka socda

 

 

HOOS KA DAAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Barnaamijka Dhacdooyinka Caalamka 27 07 2025

0

Axad 27; July 2025 {HMC}   Barnaamijka Dhacdooyinka Caalamka 27 07 2025

 

 

HOOS KA DAAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Dhigiisa Jabuuta.

0

Axad 27; July 2025 {HMC}  Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Dhigiisa Jabuuta.

 

 

HOOS KA DAAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} 13 Sano kadib AS oo qabsaday Degmada Maxaas.

0
Axad 27; July 2025 {HMC}   13 Sano kadib AS oo qabsaday Degmada Maxaas.

HOOS KA DAAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Kulan lagusoo dhaweenayay Agaasimaha guud Agaasinka Waxbarashada G/banaadir oo Muqdisho lagu qabtay

0

 

Axad 27; July 2025 {HMC} Kulan lagusoo dhaweenayay Agaasimaha guud Agaasinka Waxbarashada G/banaadir oo Muqdisho lagu qabtay

HOOS KA DAAAWO MUUQAALKA