Saturday, April 27, 2024
spot_imgspot_img

Muxuu yahay nidaamka cusub ee lagu soo dooranayo madaxweynaha Soomaaliya ee baarlamaanka la horgeeyay?

Jimco-29-March-2024 {HMC}  Dastuurka cusub ee ay madaxtooyada iyo xukuumadda Soomaaliya soo bandhigeen waxay ku doonayaan inay nidaamka dalka uga raraan nidaamka baarlamaaniga ah iyadoo loo guurayo habka madaxtooyada. Haddaba, qormadayda 5aad, waxaan uga jawaabayaa su’aalahan: Waa maxay ujeeddada geeddigan loo galayo? Maxaa ka dhalan kara? Ma jiraa hab kale oo la isku waafaji karo aragtiyaha kala duwan ee ka jira fagaaraha siyaasadda?

Ujeeddada Loogu Guurayo Nidaamka Madaxtooyada

Bishii May ee sanadkii 2023 ayaa subax lagu waabariistay heshiis ay gaareen madaxda Golaha Wada-Tashiga Qaranka oo aysan ku jirin Puntland. Heshiiskaas waxaa lagu sheegay in loo guurayo nidaamka madaxtooyada.

Waxaa jira saddex sababood oo loo qaateen ah oo keenaya in nidaamka baarlamaaniga ah ee hadda jira in dib loo qiimeeyo.

1. Inta badan waxaa iska-horyimaad madaxwenaha iyo Ra’iisul-Wasaaraha. Dalku wuxuu yeeshay lix madaxweyne iyo 15 ra’iisul-wasaare tan iyo markii Carta lagu dhisay jamhuuriyadda saddexaad sanadkii 2000. Madaxweyne baarlamaan doortay iyo Ra’iisul-Wasaare uu Madaxweyne magacaabay oo uu baarlamaan kalsooni siiyey ayaa mar walba qoorta isla-gala. Sidaa darteed, nidaamkani ma sii jiri karo. Waa sabab macquul ah.

2. Isma-keenayaan habka madaxweynaha lagu soo doorto iyo awoodaha uu leeyahay ee fulineed. Madaxweynaha waxaa soo doorta xubnaha baarlamaanka oo tiro ahaan ah 330 xubnood. Xubnahani ma aysan ku imaan doorasho dadweyne sida baarlamaannadii Soomaaliyeed ee 1960-69. Waxay ku yimaadaan hab jacbur ah. Waxayna ku doortaan hab iibsi iyo musuq-maasuq ah madaxweyne leh awood fulineed oo buuxda.

Marka waxaa muddo dheer jirtay soo-jeedinno ku doodaya ha la baddalo habkan oo ha loo guuro nidaamyada jira midkood. Waxaa loo guuri karaa nidaamka baarlamaaniga oo uu ra’iisul-wasaare ku yimaad codka dadweynaha oo madax ka ah xisbiga guuleysta uu hoggaaminayo hey’adda fulinta. Waa nidaam la yaqaan oo dalal badan oo ay ka mid yihiin Boqortooyada Ingiriiska iyo Canada adeegsadaan. Waxaa kale oo loo guuri karaa nidaamka madaxtooyada oo ah kan ay hadda dowladdu soo jeedisay. Habab kale oo isku-karis ahna waa la sameyn karaa.

3. Danta weyn ee ku riixaysa madaxda dowladda dastuurkan cusub waa wax-ka-baddalka nidaamka lagu soo dooranayo madaxweynaha. Weli ma dhicin madaxweyne markaas xukunka jooga oo teendhada lagu dooranayo madaxweynaha guul kala dheelmaday. Waxaa abuurmay dhaqan-siyaasadeed oo baarlamaan kasta oo cusub oo la soo xulo madaxweynaha markaas xukunka jooga waa ay ridaan oo waxay doortaan mid cusub. Weliba, marka laga reebo Madaxweyne Xassan Sheekh, ma jiro madaxweyne dib loo doortay. Isaguna wuxuu bannaanka joogay oo uu xukunka ka maqnaa hal xilli oo uu madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo xukumayey dalka.

Haddaba, Madaxweyne Xassan Sheekh iyo taageerayaashiisu waxay ku doodayaan inaan teendhadii lagu noqon oo waxay leeyihiin ha loo guuro nidaam madaxtooyo oo uu dadku soo doorto. Waxay is-tuseen inay taasi uga fursad roon tahay inay ku tartamaan nidaamkii madaxweynaha lagu dooranayey ilaa 1960-kii oo uu Madaxweyne Xassan Sheekhna ku yimid. Tan ayaa ah xuddunta ama lafdhabarta hawsha socota ee dastuurka oo dhan loo baddalayo.

Dabcan, hannaanka madaxtooyada in la qaato dhib ma ahan. Waxaase muuqda in dowladdu nidaamyada xisbiyada, doorashooyinka iyo madaxtooyada iskugu sooheyso sida ay iyaga dantu ugu jirto. Waxaana muuqata inay samaysanayaan nidaam iyaga u daneynaya sidii ay xukunka ugu soo noqon lahaayeen. Waa xisaab ku dhisan waxaa codeynaya dadka magaalooyinka waaweyn jooga. Taas ayeyna u arkeen inay ugu badiso. Waa arrin la fahmi karo.

Waddada loo maray waa qardajeex. Iyadoo sababaha aan soo sheegay ka duuleysa ayay dowladdu soo jeedisay in la guuro. Waxay goosatay inay samayso dastuur cusub oo dantaas iyo kuwa kale oo badan oo ay ka mid yihiin xisbiyada iyo nidaamka doorashada ay ku jiraan. Dhanka kale, lama soo bandhigin cilmi-baaris lagu sahmiyey nidaamkani inuu ka roon yahay kuwa kale. Lama sharxin sababaha aan nidaamyada kale loo eegin.

 

Maxaa ka Dhalan Kara?

Dabcan sababaha aan ku sharxay kor ee lamahuraan ka dhigaya in dib loo qiimeeyo badidoodu waa macquul. Waana talo fiican haddii lagu heshiiyo habka loo guurayo iyo halka la abbaarayo. Taasise ma dhicin. Haddaba, haddii habkan qarda-jeexa ah ah lagu hirgeliyo nidaam madaxtooyo waxaa ka dhalan kara afar arrimood.

Kow, burburka dalka waxaa xuddun u ah xukun lagu diriray. Askartii qabsatay dalka 1969 kii waa ay diiday inay xukunka shacabka ku celiso. Dadkii xukunka danaynayey waxay la galeen nidaamkii militariga dagaal hubeysan. Waana lagu burburay. Iyadoo taas la xusuusan yahay ayaa dowlad-dhiska Soomaalida waxaa lagu saleeyey aragti dib-u-heshiineed iyo isku-jiid-jiid kooxaha isku haya xukunka dalka. Nidaamka madaxtooyada iyo habka loo marayo dastuur-sameyntuba waxay ku dhissan yihiin habka is-maquuninta iyo isku-itaal-sheegashada.

Labo, maaddaama uu dalku weli nugul yahay, waxaa ka dhalan kara in siyaasiyiinta iyo beeluhuba ku kala qeybsamaan. Taasi waxay sii fogeyneysaa rajada laga qabo in dowladnimadu hana-qaado. Waana muuqataa oo siyaasiyiin dan ka leh xukunka ayaa si weyn uga horyimid nidaamka. Madaxweyneyaal hore, Shariif Sheekh Ahmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si cad u sheegay inay ka soo horjeedaan habka ay dowladdu wax u waddo. Ra’iisul-Wasaare hore Xassan Cali Kheyre iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo siyaasiyiin kale oo farabadan ayaa iyaguna ka hor yimid. Saciid Cabdullaahi Deni oo ah madaxweynaha Puntland ayaa warqad diginin ah soo saaray. Waxaana dhici karta inay gobollada qaar ama beelaha qaar ay qabaan tabashooyin u gooni ah. Marka lagu daro Madaxweyne Xassan Sheekh waa intii 2022 ku tartantay xukunka.

Saddex, waayadan dambe, Soomaalida ayaa doodi jiray oo dabadeedna xal jacbur gaari jiray. Haddii ay madaxda dowladdu xakamayn waayaan khilaafka, waxaa dhici karta in faragelin ka timaad beesha lixaad ay timaado. Waana tan uu Madaxweyne Farmaajo ka digayey. Tusaale dhowna waxaaba u ah doorkii ay beesha caalamku ka qaadatay khilaafkii siyaasadeed ee dhacay xilligii Madaxweyne Farmaajo.

Ugu dambeyn, waxaa ka imaan kara in waqti badan oo loo baahna uu ku lumo oo ay dowladdu ka mashquusho hawlaha kale ee waaweyn ee ay masuulka ka tahay. Runtiina, waaba ay dhacday. Dhanka kale, waxaa iyaduna iman karta in nidaam kasta oo yimaad uu isku dayo inuu sameysto xeerar uu xukunka ku sii baahsan karo.

 

Maxaa Xal ah?

Jawaabtu waa laba heer. Tan hore, waa yaa ka heshiinaya, sideese looga heshiinayaa habka loogu tartamayo siyaasadda iyo nidaamka dalka lagu maamulayo? Madaxda dowladdu waxay rabaan inay iyagu kaligood dejiyaan xeerarka hagaya tartanka, ayna ciyaaraan iyagoo koox ah, dabadeedna ay garsooraan iyagoo adeegsanaya guddiyada maamulayo tartanka. Taas sax ma aha.

Sideedaba siyaasadi waxay ka dhexeysaa qolada markaas xukunka joogta oo rabta inay sii joogaan iyo mucaarad doonaya inay ka qaataan. Sanadkii 2022, waxaa doorashadii Soomaalidu dhextiil lixdii kooxood ee ay hoggaaminayeen lixdii musharrax ee helay codadkii ugu badnaa. Siyaasadda maanta joogtana waxaa muuqda inay weli is-hortaagan yihiin lixdii kooxood iyo lixdii siyaasi ee hoggaaminaysay.

Dabcan, waxaa jiri kara kuwa kale oo danaynaya inay soo baxaan. Haddase waxaa u cod-dheer lixdaas kooxood. Tan kale, waxaa door leh madaxda maamul-goboleedyada iyo xildhibaannada labada gole. Madaxweyne Xassan Sheekh waa inuu kooxaha ay siyaasadda isku hayaan uu kala heshiiyo xeerar taran oo loo siman yahay. “Waa siyaasiyiin shaqa la’aan ah” ma soconeyso, doorkii horena Madaxweyne Farmaajo uma shaqeyn.

Dhanka nidaamka ku habboon Soomaaliya xilligan la joogo waxaan u arkaa inuu yahay nidaamka baarlamaaniga ah ee leh muuqaalka madaxtooyada. Waxaa isticmaala nidaamkan dalka Koonfur Afrika. Waxaa tartamaya xisbiyo abaabulan oo leh anshaxa xisbiyada. Hoggaamiyaha xisbiga ku guuleysta doorashada ayaa noqonaya madaxweyne, waxaana codka kama-dambeysta siinaya baarlamaanka. Dabcan, xubnaha xisbigu ma ka leexan karaan rabitaanka xisbiga oo kuraasta xisbiga ayaa iska leh ee xildhibaanku ma laha. Weliba waa lagu salayn karaa dhaqan-siyaasadeedka Soomaalida. Waase in la iska warsado.

Haddii ay madaxweyne Xassan Sheekh iyo madaxda mucaaradku xaldoon yihiin waa ay sahlan tahay in xal la helo.

Afyare Cabdi Cilmi waa macallin cilmi-baare ah oo ka tirsan Jaamacadda City ee Muqdisho. Wuxuu ku taqasusay cilmiga siyaasadda, wuxuuna PhD ka qaatay Jaamacadda Alberta, Canada. Wixii aragti ah waxaa gaar u leh qoraaga, mana ka turjumeyso aragtida BBC.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {27-04-2024}

Sabti -27-April-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo:Yaasiin Ali Ahmed farsamadii :Mohamed Baryare...

{DAAWO MUQAALKA} Beeraleyda qaadka Kenya oo Muqdisho yimid sheegayna arrin yaab leh oo ay rabaan

Sabti -27-April-2024 {HMC} Beeraleyda qaadka Kenya oo Muqdisho yimid sheegayna arrin yaab leh oo ay rabaan HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/kEXArUNODmw

WARARKA