Sunday, May 5, 2024
spot_imgspot_img

AS oo 70 Xubnood Loogu Dilay Duqeen Dhanka Cirka Ah…

Khamiis -25-Apr-2024 {HMC}  War-saxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ka badan 70 xubnood oo katirsan Al Shabaab ah lagu dilay laguna dhaawacay 30 kale, kaddib hawlgal ay iska kaashadeen ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka oo laga fuliyay hawdka deegaanka Tabar-mooge oo qiyaastii 28-km Waqooyi kaga beegan magaalada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Maleeshiyaadka la laayay ayaa lagu beegsaday saddex barood oo ku yaala deegaankaas, xogta la helay ayaa sheegeysa in ay isku aruursanayeen ilaa 150- xubnood oo Al Shabaab ah, kuwaas oo isugu jiray maleeshiyaad ka soo firxaday hawlgalkii shalay ka dhacay deegaanka Carfuuda iyo maleeshiyaad kale oo la soo aruuriyay.

Geesiyaasha Ciidanka Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka ayaa wali ku raad-jooga Kontomeeyo maleeshiyaad ah oo isku dayay in ay dhulka hawdka ah ku baxsadaan, iyada oo sidoo kale Al Shabaab daryeel u la’dahay maleeshiyaadka dhaawacyada daran ay ka soo gaareen hawlgalka maanta.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {04-05-2024}

Sabti 4, May 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ;Yaasiin Ali...

{DAAWO MUUQAALKA} Dowladda ma amrin in meydadka laga saaro iskuul Buluusiya””Taliska Booliska

Sabti-4-May-2024 {HMC} Dowladda ma amrin in meydadka laga saaro iskuul Buluusiya""Taliska Booliska HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/QyOJvEC1pNI

WARARKA