Sunday, June 16, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} MD Hirshabeelle oo kulan la qaatay Wasiirka Difaaca Soomaaliya & Taliyaha Ciidanka Xoogga

Arbaco, 22 May, 2024 {HMC} Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta kulan la qaatay Wasiirka Difaaca Soomaaliya mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxyadiin iyo Saraakiil kale.

Kulanka ayaa looga hadlay qaabkii AS looga sifeyn lahaa deegaanada yar ay kaga joogaan Dowaladda Hirshabeelle.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa madaxweynaha la wadaagay sida loo soo af-jarayo iyo diyaar-garoowga Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

“Ugu horreyn Wasiirka, Taliyaha iyo Saraakiisha kale waxaan uga mahadcelinayaa dhammeystirka dagaalka AS iyo dadaalka ay ku bixinayaan sidii loo soo af-jari lahaa iyagoo gacan ka helayo ciidamada deegaanka.”, Ayaa Lagu Yiri Qoraal Lagu Daabacay  Hirshabeele State House

Ugu dambeyn Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa u rajeeyay guul naftood-hurayaasha ku howlan sidii dalka looga xorreyn lahaa AS oo caadeysatay dhiigga dadka shacabka ah.

{DAAWO MUUQAALKA} War Deg Deg Ah itoopiyaanka sharcidarada ku jooga Garoowe hakabaxaan hadii kale

Axad 16 June 2024 {HMC} War Deg Deg Ah itoopiyaanka sharcidarada ku jooga Garoowe hakabaxaan hadii kale HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Cali Jeeyte “Wax kasto waxaa noogu muhiimsan Dagaalka As.

Axad 16 June 2024 {HMC} Cali Jeeyte "Wax kasto waxaa noogu muhiimsan Dagaalka As. HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

WARARKA