Sunday, June 16, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} MD Puntland oo Soo Xiray Shirka Jiheeynta Xukuumada Dowlad Goboleedka Puntland

Arbaco, 22 May, 2024 {HMC} Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Gobaleedka Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa soo xiray Shirka Jiheynta Xukuumadda Dowladda Puntland oo Shan maalmood socday.

Munaasabadda oo lagu qabtay Qasriga Madaxtooyada ayna ka qeybgaleen Goleyaasha Dowladda Puntland, Hantidhowrka, Hay’adaha Madaxa banaan iyo Shaqaalaha Guud ee Dowladda, ayaa lagu soo bandhigay wixii looga hadlay Shirka jiheynta Xukuumadda Dowladda Puntland iyo qodobada muhimka ah ee lagu horumarinayo adeega Dowladnimo ee Bulshada loo hayo.

Madaxweynaha ayaa boggaadiyey shaqadii wanaagesaneyd ee lasoo qabtay 5-tii sano ee hore, wuxuuna ku booriyey shaqaalaha Dowladda in lasii dardargeliyo shaqada loo hayo dadweynaha, Iyadoo la raacayo xogta iyo jiheynta loo soo bandhigay ee kasoo baxay Shirkii socday muddada 5-maalin aheyd .

{DAAWO MUUQAALKA} War Deg Deg Ah itoopiyaanka sharcidarada ku jooga Garoowe hakabaxaan hadii kale

Axad 16 June 2024 {HMC} War Deg Deg Ah itoopiyaanka sharcidarada ku jooga Garoowe hakabaxaan hadii kale HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Cali Jeeyte “Wax kasto waxaa noogu muhiimsan Dagaalka As.

Axad 16 June 2024 {HMC} Cali Jeeyte "Wax kasto waxaa noogu muhiimsan Dagaalka As. HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

WARARKA