Sunday, June 16, 2024
spot_imgspot_img

faahfaahino: Dheeraad ah oo ka soo baxaya Xildhibaan goor dhow lagu dilay Magaalada Muqdisho

Arbaco, 22 May, 2024 {HMC} Koox hubaysan ayaa waxay caawa magaalada Muqdisho ku dileen Xildhibaan Ibraabim Cabdi Cabdiraxmaan oo ka tirsanaa Golaha Wakiillada dowlad goboleedka Koofur galbeed.

Xildhibaanka ayaa la sheegay in dablayda ay oodda kaga qaadeen rasaas badan taasoo keentay inuu isla goobta ku geeriyoodo.

Marxuunka la dilay ayaa la sheegay in maalmahaan dambe uu Magaalada Muqdisho u joogay howla shaqo, mana jirto illaa hadda cid sheegatay dilkiisa inkastoo falalka noocan ah looga bartay kooxda Al shabaab.

Ma jiro illaa hadda war ku saabsan dilka xildhibaanka oo ka soo baxay laamaha amaanka dowlada Somalia iyo maamulka Koonfur Galbeed.

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweynah Galmudug oo boqolaal ka mid ah shacabka caasimadda kula tukaday barxadda shirkoole

Axad 16 June 2024 {HMC} Madaxweynah Galmudug oo boqolaal ka mid ah shacabka caasimadda kula tukaday barxadda shirkoole HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Boqolaal Shacab ah iyo Masuuliyiin Siwada jir ah Salaada Ciidda ugu Oogay Masjidka isbaheysiga Isla

Axad 16 June 2024 {HMC} Boqolaal Shacab ah iyo Masuuliyiin Siwada jir ah Salaada Ciidda ugu Oogay Masjidka isbaheysiga Isla HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

WARARKA