Sunday, June 16, 2024
spot_imgspot_img

Masuul Horay Uga Tirsanaa Maamulka Gobalka Banaadir oo War Kasoo Saaray Dad Pooliska aay Soo Xireen

Arbaco, 22 May, 2024 {HMC}  Ciidamada booliska Soomaaliya ayaa saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay howlgallo culus oo dad badan lagu soo qab-qabtay ka fuliyay maaalada Muqdisho, waxaana gacanta dowladda soo galay eedeysanayaal tiro badan.

Dadka soo galay gacanta dowladda ayaa isugu jiro kuwa lagu soo qabtay dibad-bax rabshada watay oo ay ka dhigeen degmada Daarusalaam ee gobolka Banaadir, wiil ku hanjabay inay sameynayaan ‘gagembi, oday wayn oo lagu magacaabo Mascuud Garwayne oo dhaliili jiray garsoorka dalka iyo gabdho iyo wiilal baraha bulshada ka bilaabay dagaal qabiileysan.

Dhammaan tallaabooyinkan ayaa la boggaadiyay, waana kuwo lagula dagaalamayo dhaqan xumada iyo waxyaabaha liddiga ku ah amniga magaalada Muqdisho.

Guddoomiye ku xigeenkii hore ee amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir, Cali Yare Cali oo qoraal soo saaray ayaa soo dhaweeyay tallaabooyinka ay qaadeen ciidanka dowladda, wuxuuna sheegay inay tahay shaqo haboon oo ku aadan akhlaaqiyaadka bulshada.

Sidoo kale, Cali Yare ayaa ku taliyay in hay’adda isgaarsiinta qaranka si deg-deg ah loogu soo magacaabo mas’uul dowladda ka xigsan kara culeysyada dhanka isgaarsiinta ee bulshada, si ay isula jaanqaadaan tallaabada ay qaadayaan ciidanka booliska Soomaaliya.

Hoose ka akhriso qoraalka oo dhameystiran:

Meeshii Muqdisho aheyd gacan aamaano ah ayay gashay maalmahaan waanan u riyaaqay shaqada dowladda dhanka akhlaaqiyaadka bulshada iyo la xariirta u qaaday gaar ahaan booliska qeybta guud.

Waa laga yaabaa ineey bulshada qaarkood ay sahashadaan ama ay xaajo iska caadi ah u qaataan dadka baangadaha isku qaatay ee waddooyinka magaalada isku ballansaday, kuwa iyagoo shacab ah sheegay in ay dowladda afganbinayaan iyo kuwa degmooyin dowladdu aqoonsatay dab qabadsiiyay intaba ee Rati weyne iyo reer-koraad u kala baxay, laakiin waxaa marqaati madoonto in dowladdu ay xabsiyada ku gurtay.

Markaan tallaabada xigta ee naga dhimman waa dowladdeenna oo si degdeg ah hey’adda isgaarsiinta qaranka ugu soo magacoowda qof aan LIIDAN oo dowladda ka xigsan kara culeysyada dhanka isgaarsiinta bulshada ka heeysta, si ay iskula jaanqaadaan tallaabooyinka laamaha amnigu qaadeen iyo dagaal dhanka hey’adda isgaarsiinta qaranka looga qaado markii maareeye shaqada qaban kara la soo magacaabo.

Sidoo kale wasaarad warfaafinta oo siyaasadda dowladda bulshada u fasiri karta iyo haddiiba la heli karo nuu lagu soo nooleeyn karo telefeshinkii dowladda ee burburay.

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweynaha Jubaland oo salaada ciida carafo kula tukaday Madaxtooyada dadweyne kala duwan.

Axad 16 June 2024 {HMC} Madaxweynaha Jubaland oo salaada ciida carafo kula tukaday Madaxtooyada dadweyne kala duwan. HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 16 6 2024

Axad 16 June 2024 {HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 16 6 2024 HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

WARARKA