Sunday, June 16, 2024
spot_imgspot_img

Maxeey Ka Wada hadleen Wasiirka Gaashaan Dhiga Soomaliya & danjiraha Ruushka?

Arbaco, 22 May, 2024 {HMC}  Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somalia Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ku qaabilay Danjiraha Ruushka u fadhiya Soomaaliya, Danjire Mikhail Golovanov

Waxaa uu kala hadlay xoojinta dadaallada socda iyo taageerada dowladda Ruushka ee dagaalka ka dhanka ah AS

Wasiirka ayaa tilmaamay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka go’antahay in guud ahaan dalka laga ciribtiro kooxda al shabaab oo sida uu sheegay dhibaatada ku haya shacabka Soomaliyeed iyo guud ahaan Gobolka isaga oo adkeeyay muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay taageerada saaxiibada caalamka ee ku aaddan gacan siinta arrimaha la xariira dagaalka ka dhanka ah kooxdaas iyo dib u dhiska iyo qalabeynta Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Danjiraha Ruushka u fadhiya Soomaaliya, Mikhail Golovanov ayaa dhankiisa dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed ku bogaadiyay sida isku duubnida ah ee ay u wajaheen inay dalkooda ka ciribtiraan al shabaab isagoo sheegay in ay Ruushka ka go’antahay taageerada Soomaaliya.

{DAAWO MUUQAALKA} Saraakiil Ciidan Oo Furunta Kasoo DIray Hambalyada CIiida

Axad 16 June 2024 {HMC} Saraakiil Ciidan Oo Furunta Kasoo DIray Hambalyada CIiida HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Guddoomiye Aadan Modoobe oo Masjidka isbaheysiga kula tukaday Boqolaal shacab salaadCiidda

Axad 16 June 2024 {HMC} Guddoomiye Aadan Modoobe oo Masjidka isbaheysiga kula tukaday Boqolaal shacab salaadCiidda HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

WARARKA