Sunday, June 16, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Xukuumada Soomaliya oo Ansixiyay Heshiisyo dowladda la gashay Imaaraadka iyo Kenya

Khamiis, 22 May, 2024 {HMC} Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa ansixiyey, hindise sharciyeed, siyaasad, xeer iyo heshiisyo iskaashi oo kala ah;

1. Hindise Sharciyeedka Tacliinta Sare ee Qaranka,
2. Siyaasadda Dowladda ee Bareyaasha Soomaaliyeed.
3. Xeer-nidaamiyaha qiimeynta saameynta deegaanka
4. Heshiiska Iskaashiga Difaaca ee u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya
5. Heshiiska Is-dhaafsiga dhiirigelinta iyo dhowrista Maalgashiga ee Soomaaliya iyo Isutagga Imaaraadka Carabta {UAE}.
Shirka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa looga dhageystay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta warbixin ku saabsan Duufaannada la saadaalinayo in ay ka dhici karaan qeybo kamid ah gobollada dalka, sidii loogu diyaar garoobi lahaa, dadka looga wacyigelin lahaa.

Sidoo kale, Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga, ayaa golaha wasiiradda maanta warbixin ka siiyey amniga guud ee dalka iyo guulihii howlgallada lagu sifeynayo kooxda Al Shabaab.

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweynah Galmudug oo boqolaal ka mid ah shacabka caasimadda kula tukaday barxadda shirkoole

Axad 16 June 2024 {HMC} Madaxweynah Galmudug oo boqolaal ka mid ah shacabka caasimadda kula tukaday barxadda shirkoole HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Boqolaal Shacab ah iyo Masuuliyiin Siwada jir ah Salaada Ciidda ugu Oogay Masjidka isbaheysiga Isla

Axad 16 June 2024 {HMC} Boqolaal Shacab ah iyo Masuuliyiin Siwada jir ah Salaada Ciidda ugu Oogay Masjidka isbaheysiga Isla HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

WARARKA