Sunday, June 16, 2024
spot_imgspot_img

Gudoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Kulan La Qaatay Madaxweynaha Maamulka Jubaland.

Khamiis, 23 May, 2024 {HMC} Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) waxaana ugu horeyn ay iska xaal wareysteen xaaladaha guud ee wadanka iyo sidii la isaga kaashan lahaa horumarka dowladnimo ee dalka.

Sidoo kale kulanka waxaa looga hadlay dhibaatooyinka daadadka soo noqnoqday ee roobabka ka dhasha ay u geystaan Shacabka degan dhulka wabiyada ku teedsan iyo meelaha xeebaha u dhow Iyo sidii wax looga qaban lahaa.

Ugu dambeyn Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo Madaxweynaha Jubbaland ayaa isla soo hadal qaaday howlgalada Dalka looga ciribtirayo kooxaha khawaariijta oo meel wanaagsan maraya iyo sidii loo dardar gelin lahaa.

Kulanka guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Madaxweynaha Jubbaland waxaa ku wehliyay wasiirka wasaaradda xanaanada xoolaha ee XFS Mudane Xasan Xuseen Maxamed Eelay.

{DAAWO MUUQAALKA} Degmada Maxaas oo Si weeyn Maanta loogu Ciiday.

Axad 16 June 2024 {HMC} Degmada Maxaas oo Si weeyn Maanta loogu Ciiday. HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} War Deg Deg Ah itoopiyaanka sharcidarada ku jooga Garoowe hakabaxaan hadii kale

Axad 16 June 2024 {HMC} War Deg Deg Ah itoopiyaanka sharcidarada ku jooga Garoowe hakabaxaan hadii kale HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

WARARKA