Sunday, June 16, 2024
spot_imgspot_img

Maamulka Khaatumo oo gacanta ku dhigay gabdho Tahriibayaal ah Dibadda loo waday

Khamiis, 23 May, 2024 {HMC}  Ciidanka booliiska maamulka SSC Khaatumo ayaa gacanta ku dhigay dhallinyaro tahriibayaal ah, kuwaa oo u badnaa haween la sheegay in loo waday meelo ka baxsan dalka Soomaaliya.

War kasoo baxay taliska booliiska Khaatumo ayaa lagu sheegay in xog ay heleen ay horseeday in gacanta ku dhigaan haweenkan tahriibayaasha ah, waxa ayna sheegeen in loo waday gabdhahan dad aan u naxeyn sida ay tilmaameen.

Booliiska Khaatumo ayaana digniin adag u diray dadka cadeestay tahriibinta dhallinyarada Soomaaliyeed, waxa ay sidoo kale waalidinta dhalay dhallinyarada la tahriibinayo ugu baaqeen in ay la socdaan dhaq dhaqaaqa carruurtooda.

”Ciidanka Bilayska ee SSC-KHAATUMO waxay u digayaan dad ka ku lugta leh ee caadaystay inay dhalinyaradan tahriibiyaan kana ganacsadaan ,iyagoo gacanta u galinaya dad aan u naxayn .Taliska Bilayska ee SSC -KHAATUMO waxay farayaan dhamaan waalidiinta inay ka war hayaan dhaqdhaqaaqa caruurtooda, kuna soo war galiyaan laamaha amniga si loo yareeyo khatarta tahriibka ee dhalinyarada” ayaa lagu yiri warka booliiska SSC kasoo baxay.
Ugu dambeyn booliiska Khaatumo ayaa ku amray shirkadaha socdaalka ee gobolada dalka inay ka digtoonaadan inay soo qaadaan dhallinyaro aan haysan dad ka masuula ama damiin ka ah , shirkadii lagu qabto inay la socdaan tahriibayaal ay la kulmi doonto sharciga lana ganaaxi doono.

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweynah Galmudug oo boqolaal ka mid ah shacabka caasimadda kula tukaday barxadda shirkoole

Axad 16 June 2024 {HMC} Madaxweynah Galmudug oo boqolaal ka mid ah shacabka caasimadda kula tukaday barxadda shirkoole HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Boqolaal Shacab ah iyo Masuuliyiin Siwada jir ah Salaada Ciidda ugu Oogay Masjidka isbaheysiga Isla

Axad 16 June 2024 {HMC} Boqolaal Shacab ah iyo Masuuliyiin Siwada jir ah Salaada Ciidda ugu Oogay Masjidka isbaheysiga Isla HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

WARARKA