Sunday, June 16, 2024
spot_imgspot_img

Maxaad Ka Taqaana hoggaamiyayaasha Golaha Ammaanka QM uu Cunaqabatayta kusoo rogay

Khamiis, 23 May, 2024 {HMC}  Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa mar kale cunaqabateyn ku soo rogay hoggaamiyeyaal ka tirsan Al-Shabaab.

Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir, Maxamed Cumar Maxamed iyo Maxamed Maxamuud Mire ayaa lagu eedeeyay inay ka qayb qaateen maalgelinta, qorsheynta, fududaynta, iyo diyaarinta dhaqdhaqaaqyada Al-Shabaab

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in saddexda hoggaamiye lagu daray liiska cunaqabateynta ee hoos yimaada Qaraarka Golaha Ammaanka ee tirsigiisu yahay 2713.

Waxaa lagu soo rogay cunaqabayn ka dhan ah lacagaha ugu kaydsan bangiyadooda iyo xayiraad dhanka socdaalka ah.

“Al-Shabaab waa Argagixiso rabshado badan, oo mas’uul ka ah dhimashada rayidka, hawl-wadeennada, shaqaalaha gargaarka iyo suxufiyiinta, waa in lala xisaabtamo,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Go’aankan cunaqabataynta ah ayaa la sheegay inuu ka yimid codsi ay dowladda Soomaaliya u gudbisay Golaha Ammaanka.

{DAAWO MUUQAALKA} War Deg Deg Ah itoopiyaanka sharcidarada ku jooga Garoowe hakabaxaan hadii kale

Axad 16 June 2024 {HMC} War Deg Deg Ah itoopiyaanka sharcidarada ku jooga Garoowe hakabaxaan hadii kale HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Cali Jeeyte “Wax kasto waxaa noogu muhiimsan Dagaalka As.

Axad 16 June 2024 {HMC} Cali Jeeyte "Wax kasto waxaa noogu muhiimsan Dagaalka As. HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

WARARKA