Sunday, June 16, 2024
spot_imgspot_img

Wasiirka Amniga Soomaaliya oo kormeeray Jaamacadda Ummadda faraceeda Caabudwaaq

Khamiis, 23 May, 2024 {HMC} – Wasiirka Amniga Gudaha XFS Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo ku sugan degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa kormeer ku tagey Jaamacadda Ummadda faraceeda degmada Caabudwaaq iyo xarunta Agoonta oo dhowaan la dilay Weriye Cabdikariin Bulxan oo gacanta ku hayey xaruntaas.

Wasiirka ayaa ugu horeyn markii uu tegay degmada la kulmay odayaasha dhaqanka ee degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, isagoo ka wareystay xaaladda deegaanka dagaal beeleedyada ka dhaca aagga Caabudwaaq iyo sidii nabad loogu wada noolaa lahaa deegaanka.

Wasiirka Amniga Soomaaliya ayaa ku bogaadiyey maamulka iyo ardayda Jaamacadda Ummadda, dadaallkooda ku qotoma aqoonta iyo waxbaridda bulshada deegaanka, si jahliga looga baxo.

Wasiir Fartaag ayaa sheegay in aqoontu ay aasaas u tahay nabadda iyo dib u heshiisiinta, isaga oo ugu baaqay aqoonyahanka deegaanka in ay xoojiyaan kaalintooda muhiimka ah, si ay horseed ugu noqdaan xaqiijinta bulsho mideysan oo u jiheysan dhanka horumarka iyo wax wada qabsiga.

Dhinaca kale wasiir Fartaag oo kormeer ku tagey xarunta Agoonta degmada Caabudwaaq, ayaa warbixinno kala duwan ka dhageystay maamulka xarunta gacanta ku haya ee la wareegay markii la dilay Samafale Cabdikariin Bulxan oo muddo gacanta ku hayey agoonta ku nool xaruntaas.

Wasiirka ayaa masuuliyiinta xaruntaas ku ammaanay sida ay mudnaanta u siinayaan aqoonta iyo waxbaridda ubadka, taas oo sii xoojinaysa nabadda iyo horumarka deegaanka.

Dhanka kale, Wasiir Fartaag ayaa la kulmay odayaasha dhaqanka degmada, waxana uu kala hadlay doorkooda ku aaddan nabadda iyo xasilloonida degmada Caabudwaaq.

Wasiirka Amniga XFS ayaa kula dardaarmay odayaasha reer Caabudwaaq in ay sii xoojiyaan kaalintooda nabadeynta deegaanka, iyadoo meesha laga saarayo colaadaha beesha degta Caabudwaaq iyo beelaha kale ee deriska la ah.

{DAAWO MUUQAALKA} War Deg Deg Ah itoopiyaanka sharcidarada ku jooga Garoowe hakabaxaan hadii kale

Axad 16 June 2024 {HMC} War Deg Deg Ah itoopiyaanka sharcidarada ku jooga Garoowe hakabaxaan hadii kale HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Cali Jeeyte “Wax kasto waxaa noogu muhiimsan Dagaalka As.

Axad 16 June 2024 {HMC} Cali Jeeyte "Wax kasto waxaa noogu muhiimsan Dagaalka As. HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

WARARKA