Alshabaab iyo Ciidamada Degaanka oo isku hor fadhiyo Xuduuda Gobolada Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe.

0
152
Khamiis November 24 2022 {HMC} ugu yaraan 15 qofood oo dhinacyadii Dagaalamay ah ayaa ku dhinta tiro intaasi ka Badane weey ku dhaawacmeen Dagaal shalay galab ka qarxay Degaanada Ceel dheere Burale iyo Xal fooleey oo ku Yaallo Xuduuda ay wadaagaan Gobolada Hiiraan iyo shabeeada dhexe
Dagaalka ayaa yimid Kadib markii ay weerar kusoo qaadeen alshabab Fariismo ay laaheen Ciidamada Deegaanka oo ku yaallo Ceel dheere Buraale,
wexeeyna labada dhinac ee halkaasi kuwada Dagaaameen ay heleen Gurmadyo kala Duwan oo kala Gaaray,
War qoraal ah oo kasoo Baxau Maamulka Gobolka Hiiraan wexeey ku sheegeen in ay ku Dileen 30 Dagaalame oo ka tirsan alshabaab inkasto aanan La Xaqiijin karin sheegashada Maamulka Gobolka Hiiraan,
Deegaanadan Maalmihii ugu Dambeeyey waxaa kuwada Dagaalamay alshabaab iyo Dadka Deegaanka oo garab ka heay Milatariga soomaliya,
Dhaq dhaqaaqyo kala Duwan ayey maanta ka wadaan Ciidamada Dowlada soomaliya kuwa Deegaanka kuwaasi oo lagu wado ineey Gaaraan Deegaanadii ay ku wada Dagaalameen
Gobolka Hiiraan Bilihii ugu Dambeeyey waxaa ka soconaya Howlgalo kala Duwan uu Hogaaminayey Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali jeyte Cismaan
Ashabaab ayaana lagala wareegay Degano ay ka talinayeen Muddo Dhowr iyo sanadood ah .
iyadoo leesku Furay Inta badan Degmooyinka Beledweyne Mataban Maxaas iyo Buulo-Burde oo go’doon u ahaa alshabaab.