Sunday, May 5, 2024
spot_imgspot_img

Nin hooyadiisa u dilay si uu lacag kala baxo Akoonkeeda

Khamiis -25-Apr-2024 {HMC} Hooyo lagu magacaabi jiray Sandra Maria dos Santos Carvalho oo 58 jir ahayd ayaa waxaa Sabtidii la soo dhaafay (April 20) maydkeeda laga helay hoygeeda oo ku yaalla magaalladda Salvador ee dalka Brazil.

Haweeneydaasi ayaa la sheegay inuu dilay wiilkeeda oo lagu magacaabo Jose Natan Carvalho, waxaana la sheegay inuu dhowr jeer ku dhuftay, tooreey, isla markaana uu gacanta ka jaray.

Eedeysanaha waxa uu maxkamad la saaray ka hor qirtay inuu isaga ka dambeeyey dilkaasi iyo inuu surka iyo gacanta ka jaray hooyadiisa.

Jose Natan Carvalho oo 21 jir ah ayaa la soo weriyey in sababaha uu sida arxan-darada ugu dilay hooyadiisa ahayd inuu kaydsado gacanta uu ka jaray, si uu galaangal ugu yeesho inuu faraheeda ugu adeegsado sidii uu lacag ugala soo bixi lahaa Kayd-xisaabeedkeeda Bangiga .

Docda kale, Garsoore Leandro Florencio Rocha de Araujo waxa uu u sheegay warbaahinta gudaha ee dalka Brazil inuu Eedeysanaha da’da yar qirtay, kana qoomameeyey fal- dembiyeedka uu ku dilay hooyadiisa.

Si kastaba, maxkamadda sare ee dalka Brazil ayaa la filayaa inay ku dhawaaqdo xukunka uu mudan yahay eedeysanayaashaasi gawracay hooyadiisa, iyadoo Falkaasi aad looga xumaaday loon acambaareeyay.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {04-05-2024}

Sabti 4, May 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ;Yaasiin Ali...

{DAAWO MUUQAALKA} Dowladda ma amrin in meydadka laga saaro iskuul Buluusiya””Taliska Booliska

Sabti-4-May-2024 {HMC} Dowladda ma amrin in meydadka laga saaro iskuul Buluusiya""Taliska Booliska HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/QyOJvEC1pNI

WARARKA