{DAAWO SAWIRADA} Ciidamada Maamulka DDS oo so bandhigay Maxaabiis Iyo Hub ay Al Shabaab ka qabsadeen.

0
23927

Jimco 5 Augusta 2020-{HMC} Ciidamada Maamulka Dowladda Deegaanka Soomaalida ayaa maanta faah faahin ka bixiyay dagaalo maalmahii la so dhaafay ka dhacaayay xadka ay wadaagaan wadamada Soomaaliya iyo Itoobiya.

Taliyaha guud ee Ciidanka Xoogga gaarka ah Dowladda Deegaanka Soomaalida Sarreeye guud Maxamed Axmed iyo Major Jeneral Tesfaye Ayalew, oo ah Madaxa hawlgalinta Ciidanka Qaranka oo warbaahinta lahad layey ayaa sheegay inay al shabaab ka dileen 800 oo askari oo ay ka mid yihiin 15 masuul ku waasoo ay madaxooda saraayeen malaayin Doolar.

Sidoo kale waxa uu intaa taliyaha ciidanka inay gacanta ku hayaa ku dhawaad 100 maxbuus oo ka katirsan Dagaal yahana Al Shabaab iyo hub farabadan oo isugu jira qoryaha waawayn ee daran dooriga udhaca  qoryaha yaryar iyo miinooyin.

 

Dhanka kale Taliyaha guud ee Ciidanka Xoogga gaarka ah Dowladda Deegaanka Soomaalida  ayaa sheegay in ay si wanaagsan ula dhaqmi doonaan maxaabiistii ay ku qabteen dagaaladii dhawaan ka dhacay Xaduudka Soomaaliya Iyo Dhulka Dowladda Deegaanka SOomaalida

 

Ugu dambayn taliyaha ayaa umahad celiyey ciidankii Dagaalka adag la galay Al Shabaab maal mahii la soo dhaafay.