fbpx
spot_imgspot_imgspot_imgspot_img
HomeWARARKA{DAAWO SAWIRADA} Diblomaasi Soomaali ah oo booqday Israel iyo shaki xoogan oo...

{DAAWO SAWIRADA} Diblomaasi Soomaali ah oo booqday Israel iyo shaki xoogan oo ka dhashay

Talaado 28 March 2023 {HMC} Danjire Ciid Beddel Maxamed oo mar soo noqday ergeyga Soomaaliya u fadhiya QM ayaa booqasho lama filaan ah ku tagay Israel.

Waxaa uu halkaas kaga qeyb-galay shir ku saabsan Iskaashiga Israel, Carabta iyo Afrika oo ay soo qaban-qaabisay Xarunta Arrimaha Dadweynaha ee Jerusalem (Jerusalem Center for Public Affairs)

Kulankaas oo halku dhiggiisu ahaa Shirka Caalamiga ah ee Israel, Carabta iyo Afrika ayaa ka qeyb galka Ciid Bedel waxay dood xoogan ka dhalisay baraha bulshada Soomaalida.

Sawiro uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ayuu Danjire Ciid Beddel ku muujiyay ka qeyb-galkiisa shirka, isagoo amaanay heshiiska Abraham Accord ee Israel ay xiriirka diblomaasi kula sameysatay dalal Carbeed oo ay ka mid yihiin Imaaraadka Carabta, Bahrain, Sudan iyo Morocco.

Xildhibaan Cali Saciid Fiqi oo ka tirsan golaha shacabka Somalia horeyna u soo noqday Danjirihii Soomaaliya u fadhiyey Midowga Yurub ayaa Dowlada federaalka ka dalbaday iney bixiso sharaxaad ku saabsan haddii ay wax ka ogtahay booqashada Ciid ee Israel.

“Shaki weyn bay na galisay Booqashadii Danjire Ciid Beddel ku tagay Jerusalem waxaan jeclaan laheyn inaan ogaano inuu ku tagay Israel si shakhsi ah ama ogolaanshaha Wasaaradda arrimaha dibedda, Ra’iisul Wasaaraha ama Madaxweynaha.” ayuu yiri Cali Saciid Fiqi.

Xukuumadda Soomaaliya ayaan weli wax war ka soo saarin booqashada Ciid Beddel ku tagat Israel.

Wargeyska Israel Hayom ayaa dhowaan qoray in Tel-Aviv ay ay ballaarineyso heshiiska Abraham Accord, islamarkaana ay ku soo dareyso dalal ay ka mid tahay Soomaaliya oo ku taalla meel istaraatiiji ah oo muhiim u ah Israel.

MUQAALO

WARKA DUHURNIMO

WAR DEG DEG AH :Ganacsade Goordhow lagu Dilay Magaalada Baladweyne

0
Arbaco-4-October-2023-{HMC} Allaha unaxariistee waxaa Goordhow Magaalada Baladweyne lagu Dilay Ganacsadi Xasan Xaaji Daahir oo Kamid Ahaa Ganacastada Magaalada Baladweyne.Ganacsadaha ayaa la dilay ayaa Mudooyinkii...