“Kante Diintiisa Darteed Ayuu U Soomayaa, Malaha Taasi Waa Sabab Kale Oo Uu….” – Tuchel Oo Si Lama Filaan Ah Uga Hadlay Soonka Kante

0
248

Kante oo xiddig muhiim ah ka ah shaxda Tuchel ayaa bedel lagu sameeyay xilligii nasashada ee kulankii ay guuldarrada 3-1 ka ahi kasoo gaadhay Real Madrid, go’aankaas ayaa noqday mid ka yaabiyay dad badan.

Tuchel ayaa kulanka kaddib sheegay inuu Kante u bedelay ciyaartaas sababo taatiko ee aysan ahayn maadaama oo uu wax dhibaato dhaawac ah qabay.

Kante qaab ciyaareedkii uu caanka ku ahaa ee ay tamartu muhiimka u ahayd ayaa u muuqday mid aan sidii hore ahayn tan iyo markii uu dhaawaca kasoo laabtay wakhtigii qaboobaha xilli sidoo kale mar laga helay oo uu ku maqnaa sababta caabuqa Korona Fayras.

Kahor kulanka maanta ee Southampton, Thomas Tuchel ayaa ku dooday in dhaawacyada iyo xanuunkaasi ay qayb ka qaadan karaan hoos u dhaca qaab ciyaareedka Kante isaga oo waliba qoddob kalena ka dhigay soonka uu sooman yahay.

“Hal arrin ayaa cad waana in N’Golo Kante uu yahay ciyaartoy muhiim ah sababtoo ah isagu waa mid cajiib ah, wuxuu leeyahay tayooyin khaas ah” ayuu yidhi Tuchel.

“Isagu waa ciyaartoy gaar ah oo na siiya wax uusan qofkale nasiin karin, isagu wuxuu ku dhibtoonayaa joogtaynta qaab ciyaareedkiisa sababtoo ah dhaawacyo iyo xanuun, tani sidoo kale waa sabab keenaysa waxyar oo joogtayn la’aan ah”.

“Isaga waxaanu weynay kulamo badan, haatan isagu wuxuu u soomayaa sababtoo ah diintiisa iyo waxyaabaha uu aaminsan yahay sidaas darteed malaha taasina waa sabab kale, Maaha markii ugu horreysay balse maalmo badan haddii aanad wax cunin ama cabin way ku saamayn kartaa”.