Maamulka Gobalka Hiiraan oo Sheegay shaqsiyaad ku Howlan fashilinta Howlgalka

0
66
Sabti October 1, 2022 {HMC} Aqriso Maamulka Gobalka Hiiraan oo Sheegay shaqsiyaad ay sheegeen in ku Howlan yihiin fashilinta Howlgalka uu Hoggaaminayo Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jeeyte Cismaan.
(Warka kasoo baxay Maamulka Gobalka Hiiraan.)
Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Mudane Cali Jeeyte Cismaan oo aay hareera joogaan Taliyaha Ciidanka lugta ee Xooga Dalka soomaaliyeed iyo Taliyaha Qeybta 27-aad ee CXD oo goob fagaara ah kula Hadlay Ciidamada Qalabka sida iyo Ciidamada Dib u xoreeynta Deeganada Gobalka Hiiraan
Ayaa fariin adag u diray shaqsiyaadka ku Howlan Borobo-gaandada ee isku dayayo fashilinta Howl’galada ka Dhanka ah Qawaariijta Al-shabaab Dadkaas oo ah kuwo la yaqaano oo Maamulka Gobalka uu ogyahay, Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan ayaa xusay In cidii xili dambe isku hoowsha falalkaas Al-shabaab nimo ineey yahiin kalkaaliyaan Al-shabaab u wakiil ah waxuuna xusay in Maxkamad looga dacwooda aaysan Jireeynin oo aay wajahayaan iska qabasho cad.
Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan ayaa carabka ku adkeeyey in howlgalada aay guuleysteen meel wanaagsana aay marayaan.