fbpx
spot_imgspot_imgspot_imgspot_img
HomeCIYAARAHAMilan-Inter iyo Bayen-Real oo isugu soo haray semi-finalka koobka UCL.

Milan-Inter iyo Bayen-Real oo isugu soo haray semi-finalka koobka UCL.

Khamiis 20 April 2023 {HMC} Waxaa Xalay lasoo gaba gabeeyay wareegga sideedda ee koobka kooxaha horyaallada Yurub ee loo yaqaanno, Uefa Champions League.

Ciyaar xiisa laheyd oo magaalada Múnich ku dhex martay kooxaha Bayen Munchen iyo Manchester City ayaa kusoo dhamaatay bar barro 1-1 ah. Goolka waxaa la hormartay Man City, waxaana daqiiqaddii 57-aad u dhaliyay Erling Haaland.

Bayen oo guuldarro qaraar la soo badiyay is araggii hore markaas oo ay Man City kusoo dubatay 3-0, ayaa ciyaarto caawa goolkeedii barbarraha waxaa u saxiixay Joshua Kemmich oo rigoore ku dhaliyay daqiiqadi 83-aad.

Ciyaar kale oo xamaasad ku soo dhamaatay waxay magaalada Milano ku dhexmartay kooxaha Inter Milan iyo Benfica. Lugti hore waxaa 2-0 kusoo badisay Inter, halka kulanki caawa uu kusoo idlaaday bar barro 3-3.

Inter waxaa goolasha u kala dhaliyay Barella, Luataro Martines iyo Correa, halka Benfica ay goolasha u kala dhaliyeen Aursnes, Antonio Silva iyo Peter Musa.

Guusha ay Inter gaartay ayaa ka dhigan in ay wareega Semi-finalka ka hor tagi doonto kooxda ay mataanaha yihiin ee AC Milan. Milan waxay iska soo reebtay Napoli. Milan iyo Inter ayaa lugta koowaad ee wareega semi-finalka is arkaya 10-ka bisha May, halka is aragga labaad uu dhici doono 16-ka.

Manchester City ayaa iyaduna ku dhacday Real Madrid. Real waxay cagta soo marisay Chelsea. City iyo Real ayaa foodda is daraya 9-ka bisha May, is aragga labaad ayaa dhici doona todobaad kaddib.

MUQAALO

WARKA DUHURNIMO

{DAAWO MUUQAALKA} DEG DEG Wasaarada gaashandhiga oo faahfaahisay deeganadii maanta lala...

0
Isniin 21-Aug-2023-{HMC} Wasaarada gaashandhiga oo faahfaahisay deeganadii maanta lala wareegay iyo Ceelbuur oo la filayo in maalmaha soo aadan aay soo gasho gacanta Dowlada. HALKAN...