Nuxurka khudbadda madaxweyne jamuhuriyada somaliya Xasan Sheekh uu ka jeediye shirka QM

0
KHamiis September 21, 2022 {HMC}  Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmauud ayaa goor dhowayd khudbad ka jeediyey shirkaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobay uga socda magaalada New York
Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa billaabay wax yar ka hor 7-dii fiidnimo xilliga Muqdishu, waxaana uu kaga hadlay caqabadaha haysta guud ahaan dunida sida isbeddelka cimilada, Covid-19 iyo argagixisada
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u sheegay shirka 77-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay in caqabadaha dunida haysta ay isku xiran yihiin, ayna u baahan yihiin isbeddello waaweyn oo dunidu si wadajir ah ugu dhaqaaqdo iyada oo iskaashanaysa, si ay isbeddeladaasi u waaraan, waxna looga qabto isbeddelka cimilada dunida iyo caqabadaha dhaqan-dhaqaale
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ka haday dhibaatada ururrada argagaxisada sida Al-Shabaab iyo Daacish oo uu sheegay in dawladdiisu ay la dagaalamayso
Waxa uu sheegay in khatarta ka imanaysa ururradaas ay sii xumaynayso xaaladda cuntada iyo barakaca. Waxa uu sheegay in argagxisadu aysan diin lahayn, aysan qiime u haynin nolosha aadanaha, ayna argagixiyaan dad aan waxba galabsan. Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in si wadajir ah loogu wada istaago
Waxa uu madaxweynuhu ku celiyey istiraatiijiyadiisa ah inaan kooxahaas looga guulaysan karin in lagu hayo meel gaar ah, lana wiiqo, waxaana uu sheegay in loo baahan yahay in laga guulaysto
Waxa uu sheegay in Al-Shabaab ay burburiyeen ceelashii, islamarkaana ay dileen dad rayid ah, taasina ay keentay inay dawladda Soomaaliya, iyo maamul goboleedyada oo dadka degaanka taageero ka helaya ay ka jawaabaan. Waxa uu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay billaabeen inay si iskood ah u kacaan iyaga oo taageeraya dadaalka dawladda ee ah in kooxahan laga guulaysto
Waxa uu sheegay inuu ku kalsoon yahay in dadaalka bulshada oo lasii xoojiyo in dawladda Soomaaliya ay ka tirtiri doonto argagixisada Soomaaliya
Waxa uu sheegay in dawlada Soomaaliya ay ka go’an tahay inay sii waddo wadashaqaynta dhinacyada ay iskaashiga leeyihiin si loola dagaalamo argagixisada, waxaase uu sheegay inay Soomalaiya ka go’an tahay inay hawsha inteeda culus iyadu qabtaan