Milateri Dalka Burkina Faso oo xukunka ka tuuray Hoggaamiyihii Dalkasi

    0
    49
    Sabti October 1, 2022 {HMC} In ka badan 10 askari ayaa la wareegay telefiishanka qaranka ee dalka Burkina Faso xilli dambe oo Jimcihii ah, iyaga oo shaaciyey in Lt. Col. Paul Henri Sandaogo Damiba oo ahaa hoggaamiyihii dalka ku qabsaday inqilaabka ee isu bedelay inuu madaxweyne ka noqdo dalkaas, in xilkii laga tuuray
    Sagaal bilood uun ka hor ayay ahayd markii uu Lt. Col. Damiba, uu inqilaabka ku qabsaday xukunka dalkaas
    War qoraal ah oo laga akhriyey telefiishanka ayaa lagu sheegay in Capt. Ibrahim Traore uu yahay hoggaamiyaha cusub ee ciidanka milateriga ee dalka Burkina Faso
    Hoggaamiyayaasha cusub ee milateriga ee Burkina Faso ayaa sheegay in la xidhay dhammaan xuduudaha dalka, isla markaana dalka lagu soo rogay bandow ka bilaabmaya 9-ka fiidnimo illaa 5-ta subaxnimo. Waxay ku dhawaaqeen in la kala diray dawladdii ku meel gaadhka ahayd iyo golihii qaranka
    Madaxweyne Damiba iyo xulafadiisa ayaa hore u inqilaabay madaxweyne si dimoqraadi ah loo soo doortay, isagoo la yimi ballan-qaadyo ah, inuu dalka ka dhigi doono mid ammaan ah
    Si kastaba ha ahaatee, rabshadaha ayaa ayaa u sii socday si aan kala joogsi lahay, waxaana sii kordhay niyad-jabka ay bulshadu ka muujisay hoggaamintiisa
    “Iyada oo la waajahayo xaalad amni oo ka sii daraysa, ayaa arrintaasi nagu dhiiri gelisay, haddaanu nahay saraakiisha sarsare iyo saraakiisha hoose ee ciidamada milaterigu, inaanu tallaabo qaadno, annaga oo rabna inaanu ilaalino amniga iyo sumcadda dalkayaga” ayuu yidhi afhayeen u hadlay ciidmada inqilaabka dhigay oo lagu magcaabo Capt. Kiswendsida Faaruuq Azaria Sorgho.