ururka Al Shabaab oo shaacisay magaca nin khamiistii lasoo dhaafay isku qarxiyay agagaarka Dugsi Banaadir ee magaalada Muqdisho.

    0
    204

    Xarakada Al Shabaab ayaa shaacisay magaca iyo qabiilka uu kasoo jeedo nin dhalinyaro ah oo khamiistii lasoo dhaafay isku qarxiyay agagaarka Dugsi Sare Banaadir ee magaalada Muqdisho.

    Al Shabaab ayaa sheegtay in qaraxa ismiidaaminta ah oo lala eegtay kolonyo gaadiid ah ay wateen ciidamada AMISOM uu fuliyay Cali Nuur Muumin Galaal (Muxsin) oo ahaa 35-sano jir kasoo jeeda Beesha Mareexaan gaar ahaan jufada Uur Midig.

    Ninkan is qarxiyay  ayaa ku dhashay kuna soo bar baaray degmada Belex Xaawo ee gobolka Gedo, waxaana ninkan wareysi uu bixiyay kahor inta uusan qaraxa fulin ku sheegay in uu ku faraxsan yahay weerarka  uuna yahay mid uu ilaah ugu dhawaanayo

    Qaraxa Ismiidaaminta ah uu subaxii khamiista ninkan fuliyay waxaa ku dhintay dad gaaraya 10-qof oo u badnaa shacab, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad kale oo badan ay ku jiraan arday dhiganeesay iskuulka uu qaraxa hortiisa ka dhacay.