Wasiirka Amniga Oo Twitter-Kiisa Si Lama Filaan Ah Ugu Faafiyay Hadal Lagu Weerarayo Turkiga

0
238

Wasiirka Amniga gudaha Xukuumada Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa barta Twitterka ku leeyahay ku sii faafiyay qoraal iyo sawir dacaayad ah  oo ka dhan ahaa Dowlada Turkiga.

Qoraalka uu Wasiirka Amniga bartiisa kusii faafiyay Sawir gacmeedka la raaciyay “Turkey waxay Ethiopia ku harqineysaa drones, kadibna waxay shacabkeeda u sheegeysaa inay Adis Ababa uga baxaan sida ugu dhaqsaha badan ayaga oo aan dib u dhigin

Wasiirka Amniga Soomaaliya ayaana raali gelin deg deg ah ka bixiyay qoraalkan uu kusii faafiyay Twitterka, waxa uuna sheegay Wasiirka khaladkan si aan ku tala gal aheyn uu u dhacay uuna ka yimid jeebkiisa .