Xiddigii SOOMANAA Ee Looga Kacay Stamford Bridge, SADDEXDII Dhacdo Ee Ciyaarta, 3dii Laacib Ee Blues La Degay Iyo Qiimaynta Ciyaartoyda Kulankii Chelsea vs Real Madrid

0
271
Saddex gool oo uu u dhaliyey Karim Benzema ayaa Real Madrid sabab ugu noqday in ay 3-1 ku garaacdo Chelsea oo joogtay garoonkeeda Stamford Bridge, lugta hore ee wareegga siddeedda Champions League.

Thomas Tuchel ayay kooxdiisu qaybtii horeba quusatay, waxaana sii dilay gool degdeg ahaa oo markii lagu soo noqday qaybta labaad laga dhaliyey.

Daqiiqadihii 21aad iyo 24aad ayuu Benzema laba gool oo madax ah ka dhaliyey Chelsea, waxaana markii lagu soo noqday qaybta labaad ee ay maraysay daqiiqaddii 46aad uu xiddiga reer France raaciyey gool kale oo saddexaad, halka goolka  madiga ahna  uu Chelsea u saxeexay Kai Havertz.

Saddexdii dhacdo ee ciyaarta

  • Real Madrid ayaa markii afraad oo xidhiidh ah ka badisay koox difaacanaysa tartanka Champions League, waxaana kaliya ka badan Juventus oo iyaduna shan mar garaacday kooxo tartanka difaacanaya.
  • Chelsea ayaa markii labaad guul-darrooyin xidhiidh ah gashay intii uu joogay Thomas Tuchel. Real Madrid iyo Brentford ayaa isku raacay, iyadoo waliba laga dhaliyey saddex gool iyo ka badan labada ciyaaroodba.
  • Tan iyo intii Champions League dibu-habaynta lagu sameeyey ee uu qaatay magacan hadda loo yaqaano ee Champions League xilli ciyaareedkii 1992/93, kaliya hal koox ayaa soo laabatay oo guuleysatay iyadoo lugtii hore lagaga badiyey laba gool ama ka badan iyadoo garoonkeeda joogta, waxaanay ahayd Manchester United oo xilli ciyaareedkii 2018/19 ay PSG kaga badisay Old Trafford wareeggii 16ka, laakiin lugtii labaad ayay Manchester United saddex gool oo nadiif ah soo dhalisay kuna soo gudubtay. Chelsea haddii uu hunguri kaga jiro inay soo gudubto waa in ay sidii Man United oo kale samayso oo ay lugta labaad ee Santiago Bernabeu soo shaqaysato.

Xiddigii soomanaa ee loo kacay

Markii loo baxayay waqtiga nasashada ayuu Benzema dalbaday in afur loola soo cararo, waxaanu suulkiisa ku tilmaamay inuu u baahan yahay wax uu cuno. Laacibkan Muslimka ah ayaa la rumaysan yahay inuu soomanaa qaybtii hore ee uu labada gool dhaliyey.

Markii ay ciyaartu dhamaatay ayay taageereyaasha Chelsea u kaceen Karim Benzema iyo Carlo Ancelotti, waxaanay u tumeen sacabka iyagoo soo dhoweyn diiranna siiyey.

Benzema ayaa ahaa xiddiga garoonka ee aanay cidina ku muransanayn, mana jirin ciyaartoy qiimayntiisa oo kale helay, haddii laga tegi waayana waxa kusoo dhowaa goolhaye Thibaut Courtois oo bandhig fiican sameeyey.

Saddexdii ciyaartoy ee la degay Chelsea

Goolhaye Mendy ayaa ugu liitay guud ahaan ciyaartoyda Chelsea. Isaga oo qaybtii hore ogolaaday in laba gool laga dhaliyo ayuu haddana kubadda goolka saddexaad noqotay isku dhiibay. Waxa isaguna liitay Christensen oo uu tababare Thomas Tuchel ku qasbanaaday inuu saaro waqtigii nasashada. Waxa  kale oo aad u liitay Pulisic oo aan garoonkaba ku jirin.

Qiimayntii guud ee ciyaartoyda labada kooxood

Chelsea: Mendy (3), Christensen (4), Thiago Silva (6), Rudiger (6), James (5), Kante (5), Jorginho (6), Mount (5), Azpilicueta (5), Havertz (7), Pulisic (4).

Beddelka: Kovacic (5), Lukaku (5), Loftus-Cheek (5), Ziyech (5).

Real Madrid: Courtois (8), Mendy (7), Alaba (7), Militao (7), Carvajal (7), Kroos (7), Casemiro (6), Modric (7), Vinicius (7), Benzema (9), Valverde (7).

Beddelka: Nacho (5), Camavinga (5), Bale (n/a), Ceballos (n/a).